Nairobi (KAAB TV) – Wasiirka difaaca dowladda Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa maanta shaaca kaqaaday xiliga ciidanka ATMIS ey kabixi doonan gudaha Soomaaliya.
Sidoo kale Aadan Barre Ducaale ayaa xusay in dhimista ciidanka ATMIS ee howlgalka midowga Africa ey bilaabatay bishii April ee sanadkii hore taasoo iyadoona guud ahaanba goobaha laga wareejiyo ciidanka ATMIS lagu wareejin doono ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
Dhanka kale, Aadan Ducaale ayaa sheegay in bixitaanka ATMIS ey kuxirnaan doonto heerka guusha laga gaaro nabadda Soomaaliya.
Waxa uu xusay in dowladda Kenya ciidamo kajoogin gudaha Soomaaliya balse ey kajoogaan saraakiil katirsan KDF oo kahoos shaqeeyo ATMIS oo usii mara golaha ammaanka nabadda ee midowga Africa oo ogolaashiyo ka heysto golaha ammaanka Qaramada Midoobay.