SO | EN

SO | EN

Shaqsi ku edeysan dilka Fanaan Tupac Shakuur oo maxkamad lasoo taagay

|

New York (KAAB TV) – Nin oday ah oo lagu eedeeyay in uu kadambeeyay dilkii fanaan Tupac shakur sanadkii 1996-dii ayaa kasoo muuqday maxkamad kaaso oo lagu eedeynayo in uu kadambeeyo dilka fanaan Tupac shakuur.

Sidoo kale, Duane Keffe D Davis oo ahaa 60 jir burcad ah ayaa kasoo muuqday maxkamad asagoo katiinadeyzan xarunta maxkmadda gobolka ee Las Vegas isagoo markii ugu horeysay shalay oo Arboco aheyd lahor geyay maxkamad.

Dhanka kale, 60 jirkan ayaa laqorsheeyay in lagu soo oogo kiiska dilka balse waxaa lasoo gaabiyay kadib markii uu kacodsaday garsooraha degmada Clark Tierra Jones in uu dib udhigo dhageysiga kiiska inta uu gacanta kuhayo Les Vegas.

Duane Keffe D Davis, oo lasoo xiray isbuucii ayaa hore iskugu cadeeyay in uu kadambeeyo dilka loo geystay fanaankii caanka ahaa ee Tupac shakuur waxa uuna ninkan si toos ah ucadeystay dilkiisa wareysiyo uu bixiyay sanadkii 2019-kii.

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News