SO | EN

SO | EN

Cosoble”Ladagaalnka Al-Shabaab waxaa kamuhiimsan ladagaalnka basaasiinta”

|

Jowhar (KAAB TV) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa faalo dheer uu qoray uga hadlay ladagaalanka Al-Shabaab ey ka muhiimsantahy ladagaalanka kuwa sida dad badan ufashiliya howlgalada ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale, Cosoble ayaa shaaca kaqaaday in kuwa sida dad badan u hagar daaminaaya howlgalada Ciidanka ey tahay in dowladdu ladagaalanto ee ma ahan in ladagaalanka Al-Shabaab ey waqtiga iskaga lumiso dowladda sida uu hadalka udhiga Cali Cabdullahi Cosoble.

“Dagaalka kooxda Al-Shabaab waxaa ka horreeya kana muhiimsan la-dagaalnka kuwa sida dad badan howlgalka CXD ee dagaalka ka saaraya ciidanka ama qaska ka dhex abuuraya ciidanka taagan furinta,” ayuu Cosoble bartiisa Facebook kubaahiyay maanta.

“Waxaad arkeysaa Taliye wata ciidan dhan kun nin oo furinta taagan oo aan tallaab ka qaadi karin basaas ku dhex jira ciidanka ama mid wax qasaya, muxuu taliye ka yahay”

Waxaa jirta maahmaah caan ka ah dalka Masar oo dhaheysa ‘Ilahow anagaa iska ilaalineyna cadawgee naga ilaali saaxiibka’. Saaxiibka waa kan ku dhex jira ciidanka ee xogta u gudbinaya cadawga ama tashwiishka ku dhex furaya ciidanka si ay u kala jabaan ama sababaya iney ciidanka ka baxaan difaacii ay ku jireen.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News