Garoowe (KAAB TV) – Shirweynihii Mucaaradka Puntland oo mudada labada maalmood ah socday ayaa maanta magaalada Garoowe lagu soo gebagebeeyey.
Sidoo kale, Shirka waxaa looga arrinsaday maareynta hubanti la’aanta ka taagan siyaasadda Puntland gaar ahaanna arrimaha doorashada 2024 waxaana geba-gabadii laga soo saaray War-murtiyeed qodobaysan.
Dhanka kale, shirka waxaa lagu go’aamiyay in aanay Puntland muddo kororsi ka dhici karin, taasoo la ogyahay wixii laga soo maray Maadaama mudada xil haynta ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda ay ka harsan tahay muddo kooban, waxaa shirku isku raacay in doorashada keli ah la qaban karaa ay tahay 66dii xildhibaan ee beeluhu soo xulan jireen ayaa lagu yiri War-murtiyeedka.
Shirkan ayaa kusoo aaday xili Siciid Deni uu wajahayo xalaad siyaasadeed, iyadoo labadii maalin ee lasoo dhaafay magaalada Garoowe ey kushir sanaayeen mucaaradka Puntland.
Mucaaradka weyn ee Xasan Shire Abgaal ayaa maalmo kahor gaaray magaalada isagoo halkaas loogu soo dhaweeyay si diiran.

