Muqdisho (KAAB TV) – Gaari laga soo buuxiyay waxyaalaha qarxa ayaa saakay lagu weeraray xero ciidanka dowladda kuleeyihiin deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, Faahfaahino kasoo baxaya qaraxan ayaa sheegaya in qaraxan loo adeegsaday gaari nooca aan xabada karin ee looyaqaano Buruuf ayaa kuqarxay xero ciidanka boliis Milataro kuleeyihiin deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
Dhanka kale, qaraxan ayaa waxaa kadhashaya qasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana goobta uu qaraxa kadhacay gaaray gaadiidka gurmadka oo halkaas kasoo qaaday Askartii dhaawacantay.
Kooxda Al-Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada qaraxan waxeyna Al-Shabaab sheegeen in weerarkan ey kudileen askar badan kuwa kalana ey kudhaaweceen.
lamaaha amaanka ee dowladda Somalia wali kama aysan hadlin qasaaraha rasmiga ah ee kadhashay qaraxan kadhacay baraqanimadii saakey deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

