Qaahir (KAAB TV) – Shirkii looga hadlaayay qadiyada Falastiin oo shalay kafurmay magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxa uu kusoo dhamaaday khilaaf iyadoo lisku afgaran waayay qodobadda lagu shaacinaayo bayaanka gebgebada shirka.
Sidoo kale, Ergooyinka reer Carbeedka iyo kuwa reer Galbeedka ayaa siwadajir ah iskugu khilaafay qaabka loodhigaayo bayaanka shirka, iyadoo reer Galbeedka kaliya ey rabeen in bayaanka lagu dhaleeceeyo Xamaaz.
Dhanka kale, Ergooyinka reer Galbeedka ayaa si cad udiiday in bayaanka lagu qoro dhaleeceynta Israa’iil ee dilay kumanaan Falastiiniyiin ah iyagoona diiday gar-gaarka bani’aadanimo in lagaarsiiyo magaalada Gaza oo go’doon kujirta 14kii maalmood ee lasoo dhaafay.
Shirkan oo shalay kafurmay magaalada Qaahira ayaa kusoo idlaaday War-murtiyeed la’aan maadaama uu khilaaf hareeyay Ergooyinka reer Carbeedka iyo kuwa reer Galbeedka.
Ugudambeyntii, dowladda Masar oo shirkan martigalisay kaas oo looga hadlaayay xaalada magaalada Gaza ayaa waxa ey soo saartay bayaan qoraal ah kaas oo lagu casuumay 34 dal iyo saddex Urur oo caalami ah iyo Xoghayaha Qaramada Midoobay.

