Addis Ababa (KAAB TV) – R/Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa shaaca kaqaaday in aanu dalna ku duuli doonin, isagoo isku dayayey inuu damiyo walaaca ay ka qabaan waddamada deriska ah ee ah in uu awood u adeegsado sidii uu u heli lahaa deked badeed.
Sidoo kale, Abiy ayaa dhowaan sheegay in Itoobiya ay caddeyso waxa uu ugu yeeray xaqa ay u leedahay in dalka aan badda lahayn ay ku galaan badda cas intii suurtagal ah iyadoo loo marayo hab nabadeed.
“Itoobiya waligeed dal kuma soo duulin, hadda Itoobiya ma rabto inay dalna ku duusho,” ayuu yiru Abiy oo la hadlayey kumannaan askar ah oo isugu soo baxay caasimadda Addis Ababa si ay ugu dabaaldegaan xuska ciidanka qaranka.
Dhanka kale, Abiy waxa uu sheegay in Itoobiya aysan danaheeda ku fulin doonin xoog, wuxuuna sheegay in aysan xabad u adeegsan doonin shucuubta walaalahooda deriska la ah Itoobiya.
R/Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhowaan jeediyey hadal dood iyo buuq badan dhaliyey oo ahaa in Itoobiya xoog iyo xeelad mid ay ahaataba ay ku han weyn tahay iney hesho dhul badeed ay deked ka dhigato.