Muqdisho (KAAB TV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan u magacaabey U Qeybsanaha Xafiiska Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha ee (Macawisleyda).
Sidoo kale, Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa loogu magacaabay guddomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan in uu noqdo ninka xafiiska madaxweynaha u qaabilsan ciidamada Macawuusleyda loo yaqaan.
Dhanka kale, Magacaabistan ayaana daba socotay heshiis horey degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ugu gaareen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cali Jeyte Cusmaan iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Xawaadle.
Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan ayaana hoggaamin doona ciidamada Macawuusleyda ee dagaalka kula jira Al Shabaab, waxa uuna dhaxeyn doonaa ciidankaasi iyo sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh.

