SO | EN

SO | EN

Mucaaradka Puntland oo sheegay in si iskood ah u qabanayaan doorasho

|

Garoowe (KAAB) War ka soo baxay xubnaha mucaaradka maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay  ak walaacsan yihiin hubanti la’aanta doorasho ee Puntland .

War maanta oo Talaada ah ka soo baxay mucaaradka maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in ay qaban doonaan doorasho madax banaan oo si iskood ah .

Qoraalka ka soo baxay  mucaaradka ayaa lagu sheegay in ay u muuqato in Madaxwaynaha waqtiga uu ka sii dhamanayo ee Puntland Saciid DENI uusan diyaar u ahayn in doorasho uu qabto.

“31 December waxa aan soo xulaynaa xildhibaannada Golaha Wakiillada, Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisana waxa la dooranayaa 8-da Jenuary, xilligeedii.”

HOOS KA AKHRIS WARSAXAFADEEDKA

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News