Qarax miino ah oo ayaa xalay lagu weeraray meel udhow xerada gaadiidka boliiska

|

Muqdisho (KAAB TV) – Waxaa xalay magaalada Muqdisho ka dhacay qarax jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah gobolka Banaadir, qaraxan ayaana si gaar ah uga dhacay meel ku dhaw xerada gaadiidka ciidanka booliiska ee kuyaalla degmada Cabdicasiis.

Sidoo kale, wararka ayaa tilmaamaya qaraxa inoo ahaa miino lagu xiray guri kuyaalla degmada Cabsicasiis, guriga qaraxa lagu xiray ayaana la sheegay in uu lahaa sargaal katirsan dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, Lama sheegin wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay qaraxa miino ee lagu xiray guriga kuyaalla degmada Cabdicasiis, waxaana la sheegay xilliga uu qaraxa dhacayay in uu guriga ka maqnaa sargaalkii deganaa.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan wali ka hadlin qaraxan ka dhacay degmada Cabdicasiis, waxaana horey qaraxyo nuucaan ah oo guryo lagu xiray uga dhaceen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News