Guriceel (KAAB TV) – Maxkamadda Ciidamada degmada Guriceel ayaa maanta xukun dil ah kufulisay nin katirsanaa ciidanka NISA kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdisalaan Cali Axmed oo horey udilay Cabdullaahi Cali Hudey.
Sidoo kale, Ninkan xukunka dilka ah lagu fuliyay maanta ayaa waxaa maalmo kahor xukun kuriday maxkamadda ciidamadda Qalabka sida ee degmada Guriceel gobolka Galgaduud, kadib markii lagu helay in uu horey udilay Cabdullaahi Cali Hudey.
Dhanka kale, Cabdisalaan Cali Axmed oo ah gacankudhiiglaha dilay Cabdullaahi Cali Hudey ayaa si bareer ah isbuuc kahor ugu dilay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, marxuumka ladilay ayaa ladhashay taliyaha boliiska saldhiga degmada Guriceel.
Bulshada kudhaqan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa horey udalbaday in cadaaladda lahor geeyo Cabdisalaan Cali Axmed si loo marsiiyo qisaasta marxuum Cabdullaahi Cali Hudey, waxa ayna intaasi kudareen in dilalka micno darada ah ey xal unoqoneyso.