SO | EN

SO | EN

Ganacsatada Muqdisho oo wali ay ku adagtahay iney qaataan awaamiirta dowladda

|

Muqdisho (KAAB TV) – Xalay saqdii dhexe xaafad kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho waxaa kadhacay qarax gaar ahaana degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir qaraxaas oo lagu xiray goob ganacsi oo farmashi aheyd.

Sidoo kale, qaraxa oo ahaa Miino lagu bur-buriyay farmashi kuyaalay degmada Yaaqshiid lamana sheegin wax khasaaro nafeed ah oo kadhashay qaraxan.

Dhanka kale, ilaa hada majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca laamaha amaanka ee dowladda Somalia oo ku aadan qaraxa, sidoo kalel majirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada qaraxan.

Wararka qaar oo an heleyno ayaa sheegaya in farmashiga la bur-buriyay uu qaatay amar kasoo baxay dowladda kaas oo tilmaamaya in goobaha ganacsiga lagu xiro waxa loo yaqaano CCTV Camera.

Ganacsatada qaar oo inoo sheegay in aan magacooda qarino sababo amni dartood ayaa waxa sheegeen in Al-Shabaab dhankooda ey uga digeen iney isticmaalaan CCTV Camerada waxeyna inoo sheegeen in looga hanjabay cidii xirato iyada macal ganacsigeeda la bur-burin doono.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News