SO | EN

SO | EN

GAROOWE : Dadwayne diiday gacan ka hadlay oo isugu soo baxay waddooyinka

|

Raxanreeb (KAAB ) Magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland waxa maanta oo Khamiis ah isugu soo baxay , dadwayne aad u  fara badan oo  diidan in  gacan ka hadal uu ka dhaco magaalada.

Waxa ay dalbanayaan in laga fogaaado wax kasta oo keeni karo dhibaato iyo in dib loogu laabto halkii laga yimid 30 sanno ka hor sidaas darteeda ay muhiim tahay in  laga baaqsado.

Inta badan  dadka isugu soo baxay waddooyinka magaalada Garoowe waxay u badan yihiin haween kuwaas oo ah kuwa ugu badan ee dhibaatadu gaarto marka ay dhacaan rabashadaha.

Qaar ka mid ah Haweenka  careysan ayaa ka dalbaday xildhibaanada inay bad-baadiyaan Puntland, si looga gudbo xaaladda adag ee haatan ka taagan maamulkaasi.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada oo usoo baxay haweenkaas ayaa la hadlay, waxayna u ballan qaadeen inay dajin doonaan xiisadda ka taagan Puntland.

murashaxiinta xilka doonka ah  ayaa weli ku adkeysanaya inaan dib loo dhigin xiliga doorashada 9ka Janaayo 2024 , taas oo ay sheegeen haddii  ay dhacdo in ay keeni karto  gacan ka hadal.

 

 

 

 

 

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News