Kismaaayo ( KAAB) Isagoo ka qayb galayay kulan la sheegay inuu yahay mid dadwayne ayaa Ra’ iisulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Bare waxaa uu ka hadlay arrimo dhawr ah oo xaga siyaasadda ah.
Xamse waxa uu soo hadal qaaday guuxa xaga siyaasadda ee la xiriira sii joogitaankiisa kursiga inta ugu harsan xukunkiisa isaga oo sheegay in aan hubin inuu sii joogi doono iyo in kale.
Ra’ iisulwasaaraha waxa uu sheegay in keliya uu og yahay inay sii jiri doonto saxiibtinimada kala dhaxeeysa Madaxwaynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud xitaa haddii ay ku kala tagaan siyaasadda.
” Ka hor kuriga ayaynu saxiib ahayn Xasan Sheekh waxaan idin sheegi karaa keliya in taas ay jiri doonto tan kursigase ma hubo oo waxba kama sheegi karo ” ayuu hadalkiisa raaciyay Xamse Cabdi Barre.
Xamse ayaa sheegay in Xasan Sheekh ay ahaayeen kuwa wadajoogay muddo dheer saxiibna ay ku ahaayeeen arrimaha siyaasada muddo dheer oo aan ka soo bilaaban ka hor inta uusan u soo magaacabin Ra’ iisulwasaaraha .
Si kastaba, inta badan waxaa dhacda inay is qabtaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, taas oo keenta in ugu dambeyn meesha laga saaro Ra’iisulwasaaraha markaas xukunka jooga.