SO | EN

Fasiraad layaab leh oo laga bixiyay booqashadii Mahad Salaad ee Bakaaraha

|

Muqdisho (KAAB ) Maanta Taliyaha Nabad sugidda Mahad Salaad ayaa booqday Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho halkaas oo ganacsatada lagu amray in Camera CCTV ay ku xiraan goobahooda ganacsiga.

Mahad Salaad ayaa indha indheeyay xarumaha ganacsiga ee suuqa waxaana la sheegay in muuqaalka maanta la baahiyay la soo duubay shalay oo Arbaca ahayd.

Ka hor booqashada Mahad Salaad waxaa ciidamo aad u fara badan oo dhar cad ah lagu daadiyay waddooyinka iyo hareeraha ka ag dhaw halka uu booqanayay Taliye Mahad Salaad.

Baraha bulshada ay ku xariirto ayaa la soo dhigayay farisaarado kala duwan oo la xiriirta booqashada Mahad Salaad ee suuqa Bakaaraha ee magaaalada Muqdisho.

Dadka qaar ayaa sheegayay in tani ay muujinayso sida wali aan waxba looga qaban culayska Al- Shabaab ay ku hayaan ganacstada oo kuwo ka  mid ah xiray goobahooda ganacsi.

Waxa sidoo kale dadka qaar ayaa isla dhaxmarayay in tani aysan qayb ka ahayn shaqooyinka Taliyaha Hay’ adda Nabad sugidda.

Si kastaba waxay bulshada la socotay u jeediyeen Dowladda Soomaaliya wax ka qabasbada caqabadaha ay wajahaan ganacsatada suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News