Muqdisho ( KAAB ) Magaalada Muqdisho waxaa ka qabsoomay kulan saacado badan socday oo u dhaxeeyay Madaxwaynaha Galmudug iyo xildhibaanada labada aqal ee doorashadooda ay tahay maamulka Galmudug.
Kulankan waxaa ka soo baxaya warar kala duwan oo la xiriira qodobada diirada lagu saaray oo u badnaa arrimaha doorashada soo socoto iyo wax ka bedelka Dastuurka oo Ololahiisa in muddo ahba ka socday magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Qooqoor ayaa la sheegay in xildhinaanada uu kala hadlay sidii taageero ugu raadin lahaa nidaamka Madaxtinimada dalka uu u guurayo Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeen iyo in doorasho wadajir ah ka dhacdo dowlad Goboleedyada oo dhan.
Madaxweyne ayaa ka dalbaday xildhinaanada meel marinta heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran oo xubno ka mida Xildhibaannada ay ka soo horjeedaan sida waraka ay sheegayaan.
Warar laga helayo shirka ayaa sheegaya in xildhibaanada qaar ay ka soo horjeesteen qorshaha Madaxwayne Qoorqoor ee wax ka bedelka Dastuurka iyo nidaamka doorashada ee dalka u guurayo.
Si kastaba Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Olole ugu jira sidii taageero ugu heli lahaa qorshahiisa iyo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee bishii May, kaasoo qodobadii ka soo baxay ka mid ahaa in dalka u guuro nidaamka doorasho Madaxwaynaha meeshana laga saaro Ra’ iisulwasaaraha taas bedelkeeda uu ku yimaado doorasho halkii la soo magacaabi lahaa