SO | EN

SO | EN

CIIDAMADA DOWLADA OO HOWLGAL KA SAMEEYAY GOBOLKA HIIRAAN

|

BALADWEYNE (KAAB TV)Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa degaanka ee Macawiisleyda ayaa Maalintii labaad oo xiriir ah waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadaan degaano ka kala tirsan Gobolka Hiiraan .

Howlgalka oo shalay soo billaawday ayaa waxaa ay Ciidamada ka fuliyeen degaano hoostaga degmadabuulabarde, waxaana la sheegay inay la wareegeen  Tuuloyin badan, halkaas oo weerarada ay kasoo abaabuli jireen Al-Shabaab.

Saraakiil katirsan Ciidamada degaanka ayaa waxaa ay sheegeen in ay howlgallada kudileen 30 katirsan Al-Shabaab, kuna burburiyeen Saldhigyo ay ku sugnaayeen, isla markaana howlgallada ay sii wadi doonaan.

Sidoo kale Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa degaanka ayaa weli waxaa ay howlgallo ka wadaan degaano hoostaga degmooyinka Buulo-Burde iyo Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Howlgalalda ayaa waxaa hoggaaminaya u qeybsanaha Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ee Arrimaha Macawiisleyda Cali jeyte Cismaan, waxaana ay kula wareegeen degaannada kala ah, Jiciboow, Booco, Nuur-fanax iyo deegaanno kale oo u dhaxeeya Beledweyne iyo Buula-burde

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News