SO | EN

SO | EN

Beegsiga Hormuud Telecom: Booyad lagu qarxiyay Muqdisho

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Iyadoo 24 saac kaliya ay kasoo wareegtay markii baabuur ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Hormuud lagu qarxiyay Muqdisho, uuna ku dhintay mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda, ayaa haddana waxaa galabta oo Isniin ah la qarxiyay baabuur booyad ah oo ay shirkaddu leedahay.

Weerarka ayaa ka dhacay xaafadda Waxaracadde ee degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah qaraxa ayaa haleelay booyada, taasi oo u socotay inay sahay shidaal gaarsiiso xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo ku yaalla duleedka magaalada.

Weli lama oga khasaaraha dhimasho ama dhaawac inuu jiro.

Booyad ay leedahay Hormuud oo ku gubatay qarax lagula beegsaday Waxaracadde, Muqdisho.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Dhacdadan ayaa daba socota qarax kale oo maalin ka hor lala beegsaday gaari ay leedahay shirkadda, kaasoo sababay dhimashada naxdinta leh ee hal qof oo shaqaale ah iyo dhaawaca labo kale.

Weerarada lagu beegsanayo gaadiidka, xarumaha iyo shaqaalaha shirkadda Hormuud oo ah midda ugu weyn ee isgaarsiinta dalka ayaa soo badanaya, iyadoo weli aan la ogeyn cidda geysanaysa weeraradan.

Booliska ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan weeraradan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News