Muqdisho (KAAB TV) – 13 January 2023 waxaa magaalada Muqdisho ka furmay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo uu horey ugu baaqay Madaxweynaha Jahmuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirka aya a ku saabsan doorka culimada ee la dagaallanka fikirka gurrucan ee Khawaarijta iyo caddeynta haboow-sanaantooda, waxa uuna si qoto-dheer looga dooray qodobada ay ka mid yihiin
- Fahamaka Saxda ah ee Diinta Islaamka ee ku aadan falalka ay kooxdu geysato
- in dowladda Soomaaliya ay sharciyad diineed u haysato la dagaalanka argagixsada si loo ciribtiro falalkooda sharta ah.
- Dhisidda Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed, kaas oo dalka u qaabilsan fatwooyinka iyo ka tala bixinta arrimaha diiniga ah
Qodobadii shirkaas ka soo baxay waxaa ka mid ahaa in magaca kooxda argagisada ah oo adeegsanayo uu noqdo Khawaarij
16-dii bishii 1-aad ee sanadkan Degamada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa laga saaray kooxda Alshabaab
Xarardheere oo ah magaalo qadiimi ah waxay aheed magaalo ay argagixiso haysatay 13-sano ka badan, iyadoo ay baaba’een mudadaas adeegyadii bulshada, sida waxbarashada , caafimaadka iyo adeegyada kale ee bulshada muhiimka u ahaa
ciidamo huwan ah oo ka kooban militariga sida gaarka ah u tabaran, ciidamada deegaanka, kuwa qabiilada iyo kuwa Galmudug oo ka soo baxay degmada Hobyo, soona maray magalooyinka Xinbarwaqo, Ceelhuur iyo Faax ayaa goor galab ah la wareegay magaalada xarardheere, ka dib markii argagixisadu ka carareen.
ku dhawaad sanad oo ay Xarardheere xorahay waxaa soo laabtay rajadii bulshada iyo adeegyadii muhiimka ahaa sida waxbarashada iyo caafimaadka oo bilow ah, waxaana maagalada laga hirgaliyey mashaariic horumarineed oo Layrka cadceeda ku shaqeeyaa ka mid yahay.
17-dii January 2023. maalin ka dib markii la xoreeyey degmada Xarardheere ciidamada dowladda FS ayaa gacanta ku dhigay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Ciidanka xoogga dalka ee la wareegay Ceeldheer ayaa nolosha ku qabtay ugu qaar ka mid ah horjoogayaasha Alshabaab iyo maleeshiyaad u dagaalamayey.
Khawaarijtu waxay burburisay masaajidii magalada intii ay maamulayeen, waxaana magaaladu ay aheed mid burbursan oo dadka yar ee ku noolaa ay cabsi iyo nolol xumo ku haysay.
Dhawr bilood ayaa ciidanka dowladdu maamulayeen Ceeldheer, waxaana ay dib uga gurteen bilo ka dib, inkastoo todobaadkan ay mar kale dib ula wareegeen
19,June 2023 Xulka degmada Cabudwaaq ayaa ku guuleystay koobka degmooyinka Galmudug, kaas oo soo socday tan iyo 5-tii bishan una dhexeeyey ilaa 10-degmo.
Tartankan oo ay martigalisay magaalada Cadaado aya cayaarta kama dambaysta ah waxaa isugu yimid xulalka Dhuusamareeb iyo Cabudwaaq, waxaana daawanayey madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, madaxda xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo boqolaal dadwyne ah oo degmooyin kala duwan ka yimid.
Xulka degmada Cabduwaaq ayaa la hormaray gool, balse xulka Dhuusamareeb ayaa taas kaga jawaabay 2-gool oo ay hoggaanka ku qabteen, hase ahaatee xulka Cabudwaaq ayaa daqiiqadihii lagu daray cayaarta la timid goolka bareejada.
Labada xul ayaa markaasi ka dib ku kala baxay gool ku laad, waxaana xulka Dhuusamareeb looga guulaystay 5-3.
Maalin Jimco, 15-September 2023; Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo mas’uuliyiin kale oo ay ka mid yihin Santor Cabdi Qaybdiid iyo Xildhibaan Dhamancad ayaa ka badbaaday qarax argagixiso oo Khawaarijtu ku soo rartay gaari, kaas oo ay doonayeen inay la beegsadaan wafdiga madaxweynaha oo ku sugnaa deegaanka Laasmgacameeyey ee gobolka Mudug.
Qaraxaas waxaa isku dhigay 2-askari oo kala ahaa Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud iyo Maxamed Cumar Xirsi oo naftooda ku waayey, iyagoo badbaadinaya madaxweynaha Galmudug iyo mas’uuliyiinta kale ee la socday
Bayaan uu soo saaray Madaxweyne Qoorqoor ayuu ku sheegay in Galmudug ay si buuxda u kafaala qaadaysaa qoyska iyo ubbadka naftii hurayaasha, waxayna waalidka dhalay uga mahad naqeysaa geesinnimada, nafhuridda iyo waddan jacaylka ay wiilashooda ku barbaariyeen.
Falka ay geesiyaashu ku dhaqaaqeen wuxuu cashar u yahay cadawga khawaarijta ee ku soo duulay dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed.
16-dii Sep 2023 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku daah-furay Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aqoonsiga Qaran uu xal u yahay caqabado badan oo haysta bulshadeenna, kuwaasi oo ay kamid yihiin, amniga, bixinta adeegyada, dimuqraadiyeynta, doorashooyinka, maalgashiga, isu socodka iyo dammaanadda qofeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in Xukuumadda DanQaran ay meel marisay shuruucdii ilaalin lahayd xogta muwaadiniinta, hagina lahayd Hay’adaha ku shuqul leh bixinta iyo keydinta Aqoonsiga Qaran.
“Maanta laga bilaabo dadkeennu waxay heli doonaan Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha oo ah xaq dastuuri ah, taas oo u fududeyn doonta in ay helaan xuquuqda buuxda ee ay dalka ku leeyihiin”. Ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
September 18, 2023 kooxda Al-Shabaab ayaa Laga Xoreeyey Magaalada Camaara Ee Gobolka Mudug.
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta magaalada Camaara ee gobolka Mudug.
Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay haatan ku sugan yihiin gudaha magaalada Camaara, islamarkaana ciidamada ay kusii daba jiraan firxadka kooxda Shabaab.
Ciidamadii Al-shabaab ee ku sugnaa magaalada Camaara ayaa halkaasi isaga baxay kadib markii ay ka war heleen cududa ciidamada kusoo wajahan Camaara, waxaana xusid mudan in ciidamada gudaha u galay Camaara ineysan la kulmin wax dagaal ah.
Wasiir Alcadaala ayaa sidoo kale sheegay in magaalada Camaara ay kooxdu maamuleysay sanado badan, islamarkaama ay haatan ciidamada ka wadaan xaafadaha magaalada howlgalo baaritaano ah oo lagu xaqijjinaayo amaanka magaalada.
Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa saacadahii lasoo dhaafay Al-shabaab ka saaray deegaano badan oo ku yaala gobolka Mudug ee maamulka Galmudug.
10-October -2023; Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ka duulaya hoggaamintiisa la xariirta dagaalka ka dhanka ah khawaarijta ee ka socda dalka isla markaana uu wehliyo wasiirka gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur , wasiir ku xigeenka warfaafinta iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan labada heer ee Dowladda ayaa tagay magaalada Camaara ee Gobolka Mudug.
Isla maalintaas wafdiga madaxwenaha ayaa booqday maagalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug, oo iyadana laga xoreeyey Khawaarijta, si darana loogu jabiyey.
18-October 2023. Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehliyaan xubo ka tirsan labada gole ee DFS iyo Dowladda Galmudug ayaa xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha degmada Baxdo, kaasoo bilaabay duulimaadyo joogto ah oo degmada Baxdo ku xira magaalooyinka kale ee dalka.
Munaasabadaas waxaa ka qayb galay wasiirka duulista hawada dowladda FS, madax ka socotay hay’adda duulista rayidka iyo mas’uulyiin kale.
Garoonka waxaa hirgalisay shirkad Wadani ah oo lagu magacaabo Kabitaal, waxaana dhisay Injijeero Soomaaliyeed.
2-dii December Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa 31 sano kadib Soomaaliya ka qaaday cunaqabateynta hubka, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo wax badan ka bedeli karta ammaanka Soomaaliya iyo kan Geeska Afrika.
Codeyn u dhacday hab gacan taag ah oo ay qaadeen 15 xubin ee golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa 14 ka mid ah waxa ay u codeysay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateyn hubka, taas oo ka dhigan in 31 sano ka dib Soomaaliya laga qaaday cunaqabataynta hubka.
Tani ayaa albaabada u furi doonta in dowladda federaalka Soomaaliya in ay soo iibsato hub culus oo casri ah, kaas oo kaalin ku lahaan doona dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo xilligaan maraya heer gabogabo ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaallo badan muujiyey, isaga oo ka codsaday golaha ammaanka Qaramada Midoobay sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabateyn Hubka
Hobyo, 9- December -2023; Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa daah furay mashruuca maalgashiga dhismaha Dekadda Hobyo, kaas oo ay ka qayb galeen Xildhinaanno ka tirsan BFS, mudnayaal ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, ganacsato, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada kana dhacday Degmada Hobyo.
Munaasabadda oo looga hadlayay maalgashiga Dekadda Hobyo ayuu madaxweynuhu ka sheegay in farxad weyn ay tahay in bulshada reer Galmudug ay ku midoobeen dhismaha Dekaddooda Hobyo, kaddib dadaal dheer oo ay galisay Dowladda Galmudug. Madaxweynuhu wuxuu ku dheeraaday muhiimadda iyo faa’iidada ay bulshada reer Galmudug u leedahay Dekadda Hobyo.
13-December 2023 Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta adduunka ee IMF ayaa goordhow si wadajir ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyey lacagihii deymaha ahaa ee lagu lahaa sanado badan kaddib dadaallo sanado socday iyo shuruudo badan oo Soomaaliya ka soo gudubtay.
Barnaamijka geediga deyn cafinta Soomaaliya ayaa soo billowday sannadkii 2012 inkasta oo si rasmi ah uu usoo bilowday sanadkii 2016 Waxaana ay tallaabadaani ka dhigan tahay guushii 3aad ee Soomaaliya ka gaartay caqabidihii ku horgudbanaa dowlad dhiska iyo madax bannaanida, kaddib markii dhowaan dowladdu ku guuleystay in dalka laga qaado Cunaqabateyntii hubka ee saarneed 31 ka sano isla markaana ay xubin buuxda ka noqotay Soomaaliya Ururka iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda dowladda FS oo ka qaybgalay madasha go’aan qaadasha ee Soomaaliya looga cafiyey deyn gaaraysa $4.5 bilyan ayaa uga mahadceliyey Bangiga adduunka iyo hay’adda IMF taageerada ay Soomaaliya ku siiyeen inay soo gaarto heerkan.
28-Demecber 2023 Wada-hadalladii u dhaxeeyey dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa dib uga billowday dalka Jabuuti, halkaasi oo ay ku sugan yihiin madaxda labada dhinac.
adaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixin Cabdi ayaa ku kulmay madaxtooyada Jabuuti, oo uu ku mart-geliyey madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Waxa uu kulankan noqonayaa doonaa kii labaad oo dhexmara labada dhinac inta la hubo wixii ka dambeeyay markii dib loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud sanadkii hore.
Markana hadaan eegno dadkii caanka ahaa ee dhintay 2023-da
20-ka January 2023 Taliye Kuxigeenkii Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan Tuure ayaa ku dhintay Qarax lala beegsaday ciidan uu hogaaminayey oo ku sugnaa degmada Galcad ee gobolka Galgaduud oo markaas ay kala wareegeen argagixisada.
Gaashaanle Tuurre waxa uu ka mid ahaa saraakiisha da’da yar ee sida firfircoon uga dhex muuqday la dagaalanka argagixsada, waxaana goobo badan oo khawaarijta ay isku fara saareen uu ka soo hooyey guulo waawayn.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda FS, Ra’iisal wasaaraha dalka iyo masuuliyiin kale ayaa ka tacsiyeyey geeridiisa
21-kii Jannaayo, waxaa geeriyooday fannaankii weynaa Maxamuud Xaaji Caalin (Gaywarow).
Fannaankana wuxuu qaadi jiray heeso isugu jiro waddani iyo Jaceyl, iyada oo dadka fankiisa xiiseeya iyo saaxibbadiiba ay aad u jeclaayeen cuudka sida uu heesihiisa ugu lari jiray.
Allaha u naxariistee Gaashaanle sare Cismaan Maxamed Jeelle, waxa uu geeriyooday 18-kii bishii Maarso ee sanadkan.
G/sare Cismaan Maxamed Jeelle waxa uu ku dhashay gobolka Hiiraan gaar ahaan Buule Burde sannadihii 1945-tii ilaa 1946-dii.
Marxuumka oo ka mid ahaa Golihii sare Kacaaanka ayaa xilal badan oo ay ka mid ahayeen Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Duqa Muqdisho kasoo qabtay dowladdii dhexe ee dalka oo uu madaxweynaha ka ahaa Jaalle Maxamed Siyaad Barre.
Waxa uu ahaa guddoomiyihii ugu horreeyay ee Muqdisho ee askari ah. Waxa uu ahaa qof ay isfahmayaan dadka oo dhan, itii uu hayay xilkaasna safiican ayuu uga soo baxay maamulkiisa.
Aamina Cabdullaahi Xirsi
Alle ha unaxariistee waxaa sanadkan gudihiisa 18-kii bishii Maarso magaalada Boorame ee gobolka Awdal ku geeriyootay fannaanaddii caanka ahayd ee Aamino Cabdullahi Xirsi, oo aad loogu xasuusto kaalintii ay kasoo qaadatay fankii Soomaaliyeed.
Ku dhawaad soddon sano oo ay Aamina fanka ku jirtay waxay qaadday heeso badan, oo aan qaar ka xusi karno sida; Heesta Sharacalee, Gari Makaa Baxdaa, Gar Ma Ku Gashaa Siyar, siyar ma uu shushubanaa.
Fanka waxaa ka dhaxashay gabadheeda fannaanada caanka ah ee Hodan Cabdiraxmaan oo aabbeheed Cabdiraxmaan dheerana uu ahaa fannaan kale.
XIGASH
ADA SAWIRKA,BUUBAA
Alle ha u naxariistee waxaa isna sanadkan gudihiisa 5-tii bishii Abriil geeriyooday Prof Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladda Soomaaliya.
Ismaaciil Hure Buubaa waxa uu Soomaaliya ka soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Ra’iisal wasaare ku-xigeen, wasiirkii arrimaha dibeda iyo Wasiirka Maaliyada, isagoo sidoo kale noqday Wasiirkii ugu horeeyey Wasaaradda Maaliyadda Somaliland.
Marxuum Prof Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa ayaa kamid ahaa aqoonyahanadda Soomaaliyeed isagoo haystay shahaadada sare ee PhD-da.
Khadra Cumar Dhuule
XIGASHADA SAWIRKA,HAWRAAR
Allaha u naxaristee waxaa Iyana 11-kii bishii Maajo magaalada Muqdisho ku geeriyootay Fannaanaddii caanka ahayd ee Khadra Cumar Dhuule oo uu dhalay Allaha u naxariistee fannaankii weynaa ee Cumar Dhuule Cali.
Fannanada ayaa kamid ahayd awladdii uu dhalay fannaankii weynaa Cumar Dhuule Cali isla markaana fanka ka dhaxlay.
Abwaan Jaamac Kadiye
XIGASHADA SAWIRKA,ABWAAN JAAMAC KADIYE
Allaha u naxariistee abwaankii weynaa ee Jaamac Kadiye ayaa 16-kii bishii Agoosto ku geeriyooday magaalada Laascaanood, iyadoo la sheegay in uu sababsaday madaafiic lagu gaaracay magaaladaasi.
Abwaanka ayaa waxa uu taariikh mug weyn ku dhex leeyahay Soomaalida, maadaama noloshiisa inta ugu badan uu ahaa curiye oo gabayada iyo geeraarrada uu tiriyay in badan oo kamida ay gayiga Soomaaliyeed ka caan bexeen.
Abwaan Kadiye ayaa waxa uu gudbin jiray suugaan diini iyo dhaqanba leh oo isugu jirta Gabay guurow maanyo geeraar iyo kuwa kalaba, waxa uuna ku hadli jiray luuqadaha Soomaaliga Carabiga iyo Ingiriiska.
Axmed naaji Sacad
Allaha u naxariistee fanaankii weynaa ee Axmed Naaji Sacad ayaa geeriyooday 4-tii bishii Sebteembar ee sanadkan, isagoo ku geeriyooday magaalada London.
Axmed Naaji ma ahayn oo kaliya heesaa ku luuqeeyaa heesaha ee wuxuu ahaa mulaxamiistee, muusikiistee garaaca inta badan noocyada muusigga, isla markaana akhriya farta muusigga, iyo mu’allif miraha curiya.
Kuma uusan koobnayn fanka banaadiriga ee wuxuu kaloo ka qayb qaatay fanka guud ee Soomaalida.
“Waxaan ku dhashay Degmada Shibis oo waagaas la dhihi jirey Bilaajo Carab 1939kii. Iskuulka iyo dugsiga quraankaba Muqdisho ayaan ku dhameeyey” ayuu yiri xilli uu ka hadlayay noloshiisii carruurnimada intii uu noolaa.
XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK
Wariye Cabdifitaax Qays
Allaha u naxariistee 16-kii bishii Oktoobar ee sanadkan waxaa isna magaalada Muqdisho ku geeroyooday wariye Cabdifitaax Macalin Nuur Qays.
Cabdifitaax Qays oo ahaa Agaasimihii Telefishinka Somali Cable ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay maqaaxi u uku sugnaa.
Cabdifitaax oo ahaa nin afgaaban isla markaana dadkii la shaqeynayay ay ku tilmaameen qof ixtiraam badan ayey geeridiisa xanuun badan ku reebtay bahda Saxaafadda.
Mullaxan Xasan Sabriye Afrax
XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL
Allah unaxariisyee waxaa isna 19-kii October magaalada Muqdisho ku geeriyooday Marxuum Xasan Sabriye Afrax (Xasan Gareed) isaga oo ka mid ahaa hobollada Waaberi kaas oo ku geeriyooday isaga oo kamid ahaa mullaxamiistayaasha ugu magaca dheeraa gudaha Soomalaiya.
Marxuumka ayaa door weyn kulahaa geeddi socodkii fanka Soomaalida laga soo bilaabo sannadkii 1957-kii oo ahayd markii u horreysay ee uu yimi Magaalada Muqdisho, waxa uu la xameeyey Heesta “Hooyooy la’aantaa” ee uu sameeyey Abwaan Hadraawi.
1-da November 2023 waxaa magaalada London ee caasimadda Ingiriiska ku geeriyooday Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Axmed Caalin
Caalin oo Muqdisho ku dhashay 1951-dii waa uu madaxweyne ka ahaa Galmudug inta aan la balaarin 2009-kii ilaa 2012-dii, isagoo qayb ka ahaa geedi socodkii Road Mapka ee Soomaaliya looga gudbiyey marxaladda KMG.
Caalin sidoo kale waxa uu ahaa sargaal ciidan, isagoo muddo dheer ka shaqaynayey hawlaha dowladnimada.
Maxamed Xasan Barrow
Allaha u naxariistee Fanaankii Maxamed Xasan Barrow ayaa 6-dii bishii Nofeembar ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu kahor geeridiisa ku xanuunsanayay.
Maxamed Xasan Barrow ayaa ahaa Maareeye ku xigeenka Golaha Murtida iyo Wacyi galinta Qaranka waxaana uu ka mid ahaa fanaaniinta faro ku tiriska ah oo aan ka tegin dalkooda soddonkii sano ee la soo dhaafay.
Abwaan Cismaan Ibraahin Warsame (Hurre Walanwal)
HADA SAWIRKA,SOCIAL
Abwaan Cismaan Ibraahin Warsame (Hurre Walanwal) oo kamid ahaa bahda suuggaanlayda Soomaaliyeed ayaa geeriyooday 15-kii isla bishan Diseembar isaga oo ku geeriyooday magaalada Burco isaga oo 75 jir ah.
Abwaan Hurre oo ay walaalo ahaayeen Abwaankii Waynaa ee Ibrahin Warsame Hadraawi oo 18, 8, 2022 Hargaysa ku geeriyooday, waxa uu sannadkii 1948 ku dhashay magaalada Caynaba gudaheeda, halkaasi oo uu ku nolaa ilaa 10 jirkiisii, intaa kadibna waxa uu u wareegay nolosha miyiga iyo xoolo raac.
Waxa uu sheegay intii uu noolaa in uu tirinta suuggaanta bilaabay isaga oo 9 jir ah.
Musharrax Cabdicasiis Afguduud
XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL
Allaha u naxariistee waxaa 19 December) gudihiisa geeriyooday musharrax madaxweyne Cabdicasiis Afguduud oo ka mid ahaa Murashixinta Madaxweynaha Puntland.
Waxa u uku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, xilli u uku guda jiray ololihiisa doorashada.
Musharraxa ayaa la sheegay inuu ku wajahnaa magaalada Qardho oo ay kasocotey qaban qaabada soo dhoweyntiisa.
Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye
Waxaa taariikhdu markii ay ahayd 20-kii bishan December magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti ku geeriyootay Allaha u naxariistee wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye.
Khadiijo ayaa ka mid ahayd wafdiga Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb galayay shirka Heritage.
Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa lasoo shaqeysay dowladda federaalka Soomaaliya muddo ku dhow 20 sano, iyadoo xildhibaanad ahayd sidoo kalena dhowr jago wasiir soo qabatay.