Mudug (KAAB TV) – Taliyaha Guutada 17-aad Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Saahid Jaamac Faarax oo faah-faahin ka bixiyay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gobolka Mudug Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ay xoojiyeen howlgalladooda.
Saahid Jaamac ayaa sheegay in ciidanka Kumaandooska Gorgor oo kaashanaya Dadka deegaanka ee Macawiislayda in ay kordhiyeen howlgallada xooggan ee ka socda Koofurta Gobolka Mudug Dowlad-Goboleedka Galmudug.
Waxa uu tilmaamay in ciidamadaan ay khibrad & awood militari ay u leeyihiin sidii ‘AS’ ay ugu dabatagi lahaayeen deegaannada ay weli joogaan si ay gacanta maamulka dib ugu soo celin lahaayeen waa sida uu hadalka dhigay u dhigay Taliye Saahid Jaamac.
Maalmihii waxaa Koofurta Gobolka Mudug ku xooggaystay howlgallada Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug & Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiislayda.