SO | EN

SO | EN

Muuse Biixi: Itoobiya waxaan ka kireynay 20km oo bad ah, iyaguna way na aqoonsanayaan

|

ADDIS ABABA (KAAB TV) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa Isniinta maanta heshiis is-afgarad ah la saxeexday Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, kaas oo Itoobiya u ogolaatay in laga kireeyo Saldhig badeed dhan 20 KM ah.

Heshiiskaas, Itoobiya waxay xaq u yeelanaysaa in ciidamadeeda badda ay saldhig ka dhigtaan badda cas, isla markaana ay helaan deked ay wax kala soo degaan.

“Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali ayaa iga codsaday inaan saxiixo heshiiskaas, taas beddelkeeda, Itoobiya waxay noqon doontaa waddankii ugu horreeyay ee Somaliland u aqoonsada dal madax-bannaan,” ayuu Madaxweyne Biixi ku sheegay munaasabad ka dhacday Addis Ababa Isniintii. Ra’iisul Wasaaraha iyo mas’uuliyiintii xukuumaddiisa ayaa u sacab tumay markii uu khudbadda jeedinayay Biixi.

“Heshiiska is-afgaradku waxa uu dhabbaha u xaari doonaa xaqiijinta hamiga Itoobiya ee ah in la helo marin-biyoodka badda iyo kala-duwanaanshaha dekedaha,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha Itoobiya.

Iyada oo weli raadinaysa aqoonsi caalami ah tan iyo markii ay ka go’day Soomaaliya 1992, Somaliland waxay hiigsanaysaa inay xoojiso xidhiidhka ay la leedahay Itoobiya iyada oo loo marayo heshiiskan istaraatiijiga ah.

“Heshiiska is-afgaradku waxa uu dhabbaha u xaari doonaa xaqiijinta hamiga Itoobiya ee ah in la helo marin-biyoodka badda iyo kala-duwanaanshaha dekedaha,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha. Waxay ku nuuxnuuxsatay in heshiisku uu xoojinayo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo siyaasadda, isagoo sidoo kale tilmaamaya dariiqa lagu xoojinayo xiriirka siyaasadeed iyo kan diblomaasiyadeed.

Itoobiya oo beryahan dambe dabada ka riixaysay in ay hesho dekedo ayaa waxa keenay dadkeeda oo kor u dhaafaya 120 milyan. Si kastaba ha ahaatee, heshiiskan ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu xumaaday xiriirka Addis Ababa iyo Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Masar si cad ugu taageeray muranka Webiga Niil ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar ayaa xiisadda sii kiciyay.

Masar, oo ay ku nool yihiin 107 milyan oo qof, ayaa si weyn ugu tiirsan wabiga Niil si ay u hesho biyo macaan, waxayna ka walaacsan tahay saameynta uu biyo-xireenka Itoobiya ku yeelan karo nolosha dadkeeda.

Wararka ayaa sheegaya in Masar ay Muqdisho geysay la-taliyayaal sirdoon iyo ciidan.

Waxa xusid mudan in Muqdisho aanay wax door ah ku lahayn heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Isniintii wada saxeexdeen Itoobiya iyo Somaliland, taas oo muujinaysa kala fogaanshiyaha xidhiidhka labada caasimadood.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News