SO | EN

SO | EN

Militariga Itoobiya ” Dhiigga ayaan u huraynaa hirgalinta heshiiska Itoobiya iyo Somaliland “

|

Itoobiya (kaab tv)  Ciidamada Militariga Itoobiya ayaa war qoraaleed ay ku daabaceen boggooda gaarka ah ee ay ku leeyihiin Facebook waxay kaga hadleen arrimaha Badda cas, iyo inay muhiim u tahay inay Itoobiya hesho marin biyood, waxayna farriin culus u direen Dowladda Soomaaliya.

Millitariga Itoobiya ayaa ugu horreyn waxay sheegeen in Itoobiya ay Bad lahaan jirtay wakhti dalal badan oo Afrika ah laguumaysan jiray, iyagoo xusay in sannadkii 1948 la sameeyay Ciidamada Badda ee Itoobiya, kuwaas oo sugi jiray amniga Badda cas iyo Cadan, waa siday hadalka u dhigeen Militariga Itoobiya.

Millitariga Itoobiya waxa kale oo ay sheegeen in Badda Soomaaliya ay noqotay bahalo galeen muddo dheer ay ka faa’iidaysan jireen budhcad badeedu iyo waliba Argagaxisadu, waxa kale oo ay sheegeen Militariga Itoobiya in halis ka imaan karta Badda Soomaaliya ay waxyeelo u gaysan karto ganacsiga Itoobiya, sidaas darteedna ay iyagu sugayaan amniga badda, waa sida lagu sheegay qoraalka lasoo dhigay bogga ay Militariga Itoobiya ku leeyihiin Facebook.

Sidoo kale qoraalka lasoo dhigay bogga rasmiga ah ee Militariga Itoobiya ku leeyihiin Facebook ayaa lagaga hadlay mustaqbalka ay wajahayaan dadka reer Itoobiya oo hadda gaaraya 120 milyan oo qof kuna socda ilaa 150 milyan, ganacsiga Itoobiyana 95% uu ku xidhan yahay dhanka Badda, sidaas darteedna loo baahan yahay inay Itoobiya hesho Bad ay ku maarayso mustaqbalka dadkeeda.

Millitariga Itoobiya waxa kale oo qoraalkooda ay ku sheegeen in waxa ay ku tilmaameen Cadowga Itoobiya uu sannado badan cadaadis ku hayay sidii aysan Itoobiya wax bad ah u hesheen, iyagoo xusay in heshiiska hadda ay lagaleen Somaliland hirgalintiisa ay Ciidamada Militarigu naftooda u horayaan.

Ugu dambayn, waxay Militariga Itoobiya sheegeen in heshiiskan Badda ee Itoobiya ay la gashay Somaliland uu yahay mid fursad dahabi ah u ah Itoobiya, maadaama heshiiskani uu soo celinayo Taariikhdii hore ee Itoobiya ay ku lahayd dhinaca Badda, waa siday hadalka u dhigeen Militariga Itoobiya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News