SO | EN

SO | EN

Dhiilada dagaal ee Xasan: Itoobiya waa cadaw

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo masjidka madaxtooyada ka hadlay Jimcihii shalay ayaa ku dhaawaqay in Itoobiya ay tahay ‘cadaw’ isagoo ku baaqay in loo diyaargaroobo sidii loola dagaallami lahaa.

Isagoo careysan, lana hadlay xubno u badan dowladdiisa oo masjidka ku soo tukaday ayuu mar kale si kulul uga hadlay heshiiska dhowaan dhexmaray dowladda Itoobiya iyo Somaliland.

Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay heshiiska inuu la mid yahay inaanay Dowladda Itoobiya aqoonsaneen gobannimada dhuleed iyo dowladda hadda ka jirta Soomaaliya.

“Dowladda Itoobiya waxay sheegtay gob ma ahidiin, idinla tashan meynlo, dhulka idin warsan meyno. Waxaad sameysateen oo dowlad leedihiin ma aha,” ayuu yiri.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in haddii dhul la sheeganayo ay tahay in Soomaalida ay dhul ku sheegato Itoobiya, taasoo uu ula jeeday dhulka Soomaali Galbeed ee hadda ah ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Al-Shabaab

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu hire u sheegay in Al-Shabaab ay cadaw yihiin, balse wuxuu hadda sheegay in Soomaali, uusan Soomaali kale cadaw u ahayn.

“Dadka Soomaaliyeed, hadduu yahay shacab, hadduu yahay siyaasi, hadduu yahay wadaad yaan lagu kadsoomin. yaan lagu sirmin, saaxiib kulama ahan,” ayuu yiri.

“Shabaab kaa xoreynaa yaan lagu dhihin, cadawaa kaa celinaa yaan lagu dhihin. Shabaab yaan cadaw lagaaga dhigin, Soomaali soomaali kale cadaw u ah ma jiro,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Wuxuu sheegay inuu maqlay in Itoobiya ay wada hadal la sameyneyso dadka deggan meelaha xuduudaha qaarkood ayna kala hadleyso arrimaha derisnimada taasoo uu ka digay.

Wuxuu farriin u diray Soomaalida ku nool qurbaha oo uu sheegay inay u istaagi jireen difaaca dhulka markii cadaw soo haweysto.

“Walaalaha qurbaha jooga waxaan leeyahay, Soomaaliya markay khatar gasho, adinka, waa u istaagi jirteen. Waa u istaagi jirteen. Marka cadaw nasoo haweysto waa u istaagi jirteen, oo ay ugu horreyso kuwa maanta na haweysanayo. Shalay waa u istaagteen. Waa u midowdeen. Maantana meeshii ayay joogtaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News