Farmaajo”Dowladda waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta amniga maalgashadayaasha”

|

Doxa (KAAB TV) – Madaxweynihii hore ee dowladda Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul uga hadlay xanibaada iyo Hanjabaada ey Hay’adda Nisa ey ugeysatay shirkada Isgaarsiinta dalka ee Hormuud.

Sidoo kale, Bayaan usoo saaray Farmaajo ayuu kusheegay in xanibaada iyo joojinta shaqada shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo Salaam Bank uu dhawaac weyn kuyahay sumacada dhaqaale ee dalka, iyadoona ey walaac xooggan ku abuureyso ganacsatada Soomaaliyeed.

”Dowladda waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta amniga maalgashadayaasha, ganacsatada iyo goobaha ganacsiga kuwaas oo muhiimad weyn uleh shaqa abuurka dhalinyarada iyo horumarka dhaqaalaha”

Dhanka kale, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dalka Somalia uu yahay mid hada kasoo kabanaya daruufihii naafeeyay dhaqaaleheena, isagoona intaasi kusii daray iney tahay in ladhiirigaliyo ganacsatda Soomaaliyeed oo usoo mayal adeegay marxaladihii kala duwanaa ee usoo maray dalkan eyna tahay inlaga fogaado waxkasto oo wiiqi karo ganacsatada ama ladhaawoco kalsoonidooda.

Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo hadalkiisa ayaa kusoo beegmay xili shalay Hay’adda Nabad Sugida Qaranka ey weerartay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyadoona xir-xirtay qaar kamid ah shaqaalaha Shirkada Hormuud iyo Bankiga Salaam Somai Bank xarunta ey kuleeyihiin Suuqa Bakaaraha.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News