SO | EN

SO | EN

Baarlamaanka Turkiga oo markii 14aad laga sugayo in uu sanad u kordhiyo Ciidanka Dalkaas ka jooga Biyaha Soomaaliya.

|

Turkiga (kaab tv ) – Waxaa sii dhammaanaya muddo sharciyeedka sanadka ah ee Ciidamada Ilaalida Xeebaha Turkiga eek u sugan Gacanka Cadmeed, Biyaha Soomaaliya & Badda Cas oo ku siman 10ka Bisha soo socota Febaraayo ee sanadka 2024.

Baarlamaanka Turkiga ayay Ciidamadaan ka sugayaan muddo kordhin sanad ah sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Xukuumadda Ankara oo la hadlay Warbaahinta ka howlgasha Dalkaas oo arrintaan ka xog-warrantay.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Baarlamaanka u gudbiyay mooshinka waqti kordhinta waxaana lagu wadaa in Fadhi gaar ah uu ka yeesho si loogu codeeyo soo jeedinta Madaxweynaha ee waqtiga dheeraad ah la siinayo ciidamada Badda.

Haddii Baarlamaanka Turkiga uu Ansixiyo soo jeedintaan waxa ay ka dhigaysaa in markii 14aad oo muddo kordhin ah uu u sameeyay ciidamadaan ku sugan Gacanka Cadmeed, Biyaha Soomaaliya iyo Badda Cas.

Sanadkaan waxa ay ciidamada Turkiga uga duwan tahay iyada oo sii kordhisay xiisadda ka taagan Badda Cas gaar ahaan weerarrada Iiraan ay ku beegsanayso Maraakiibta u socota dhinaca Israaiil & Maraykanka oo dagaal la galay Kooxdaas.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News