SO | EN

SO | EN

Kursigii uu baneeyay Mahad Salaad oo doorasho la’aan lagu kala baxayo

|

Muqdisho (Kaab TV) Kursigii uu baneeyay Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa la filayaa in doorashadiisu dhacdo 1-da bisha Febraayo, taasi oo ka qabsoomi doonto Dhuusamareeb, sida uu dhawaan shaaciyay guddiga KMG ah ee doorashada kuraasta ka banaan BF.

Kursigan oo tirsiigu yahay HOP#147 ayaa waxa loo xiray musharax uu wato Mahad Salaad, oo lagu magacaaba Ilyaas Sheekh Axmed, sida ay xog ku heshay Kaab TV.

Musharax Ilyaas ayaa waxa uu hore u ahaa madaxii hay’adda NRC ee Dowlad-goboleedka Galmudug.

Musharaxan ayaa la sheegaya in uu taageero buuxda uu ka haysto jufada kursiga leh iyo xildhibaankii hore u baneeyay Mahad Maxamed Salaad.

Doorashada kursigaan ee loo balansan yahay 1-da Febraayo ayaa ah mid nidaam ahaan  loo marayo, mar haddii lasii og-yahay natiijadeeda iyo musharaxa kusoo baxaya.

Ilyaas oo saaxiib dhow la ah agaasimaha NISA Mahad Salaad horana ula soo shaqeeyay ayaa waxaa la filayaa inuu kursigan tartan la’aan ku qaato.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News