SO | EN

SO | EN

Wasiirka Gaashaandhigga JabuutiI oo ka soo dagay Muqdisho

|

Muqdisho(Kaab TV)– Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Jabuuti, Xasan Maxamed Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya,  Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa wafdigan ku soo dhoweeyay magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn Wasiirka Gaashaandhigga dalka Jabuuti ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubto ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, kuwaas oo qayb ka ahaa soo dhaweynta loo sameeyay.

Intaas kadib labada mas’uul ayaa kulan hordhac ah ku yeeshay qaybta nasiinada ee garoonka Aadan Cadde, halkaas oo ay isaga xog wareysteen xaaladihii u dambeeyay.

Ujeedka booqashada Wasiir Xasan Maxamed Cumar ayaa la xiriirta mid ay labada dowladood ku xoojinayaan iskaashiga milatari ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Sidoo kale wuxuu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa madaxda ugu sarreysa ee dalka, sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo uu kala hadli doono dagaalka Al-Shabaab.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News