SO | EN

DF oo faahfaahisay shirka maanta loo xiray waddooyinka iyo Garoonka

|

Muqdisho (Kaab TV) – Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federaalka ayaa waxaa looga hadlay shirweynaha maanta ka dhacaya gudaha magaalada Muqdish, kaas oo ay ka qayb-galayaan waddamada ay ciidamada ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya.

Shirkan oo ay martigelineyo dowladda dhexe ayaa waxaa lagu casuumay Wasiirada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada ee dalalka deriska, loona yaqaano Dalalka Safka Hore.

Qoraalka kasoo baxay dowladda waxaa lagu sheegay in kulanka maanta uu ku bilaabanayo hordhac, waxaana Soomaaliya ku wehlinaya Kenya, Djibouti iyo Ethiopia, waxayna dhinacyadan diyaarinayaan ajendaha shirweynaha oo beri si rasmi ah u furmi doono.

Sidoo kale waxaa shirkan  horkacayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaana lagu gorfeynayaa dhammeystirka hawlgallada dib u xoreynta ee haatan ka socdo dalka, isku dubaridka taageerada muhiimka ee Dalalka Safka Hore iyo iskaashiga dalalkan ee howlgallada ka socda Soomaaliya.

Kulanka hordhaca ah ee maanta ayaa waxaa sidoo kale lagu diyaarin doonaa ajendaha shir madaxeedka beri dhacaya oo la filayo in natiijada ka soo baxda ay qeexi doonto hawlaha baaxadda leh ee lagu dhameystirayo hawlgalada milateri ee ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo guud ahaan amniga gobolka.

Waxaa sidoo kale dowladdaha federaalka dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay si hoos iskula eegi doonaan in si wadajir ah looga hortago khatarka Al-Shabaab, maadaama ay haatan culeys soo saartay caasimada Muqdisho, kadib markii lagu soo jabiyay gobollada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News