Camaara (KAAB TV) – Al-Shabaab oo xalay madaafiic Hoobiyeyal ah kugaraacday magaalada Camaara ee Koonfurta gobolka Mudug, kaas oo ay kunaf waayeen dad isku qoys ahaa.
Sidoo kale, Dadka kunafwaayay madaafiicdan ayaa waxaa lagau kala magacaabi jiray Axmed Cabdullahi Sheekh iyo Dheeh Yuusuf Cabdullahi oo ahaa dad xaas ah, ayaa waxaa xalay saqdhexe gurigooda kusoo dhacay Hoobiye ugu dambeena ay kunaf waayeen Hooyadan iyo Aabahan.
Dhanka kale, weerarkan madaafiicda ah ayaa waxaa sidoo kale kudhaawacmay wiil yar oo da’diisa lagu sheegay in uu 12-sano jiryahy eyna dhashay Dheeh Yuusuf Cabdulaahi oo ilaa hada lagula tacaalayo Isbitaalada magaalada Camaara.
Dheeh Yuusuf Cabdullah wiil ey dhashay oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Maxamed Showqi ayaa sheegay in ilaa haatan uu ka walwalsanyahy naxdintii ey ku abuurtay geerida Hooyadiis Dheeh Yuusuf Cabdullaahi.
“Waxaa jira wiil yar oo walaalkay ah oo guriga joogay oo markii hore la waayay loona qabay in uu geeriyooday, balse saaka la helay isaga oo madax dhaawac ka ah, labadii kalana waa carareen xalay markii ay wax dhaceen basle maanta ayaa lasoo helay.” ayuu yiri Axmed Cabdi Maxamed Showqi.
Ugudamebyn, AUN Dheeh Yuusuf Cabdullaahi iyo Axmed Cabdullahi Sheekh ayaa waxa ay ifka uga tageen 10-caruur ah oo ay udhashay ninkeedii hore, balse Axmed Cabdullahi Sheekh aysan waxbo udhalin ugu dambeena isku meel ay kugeeriyoodeen.

