Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Madaxda dalalka Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya oo soo gaaray Muqdisho

|

Muqdisho (Kaab TV) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray hoggaamiyeyaasha dalalka dariska, sida Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay gudaha garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Madaxda dalalkan oo la’isku yiraahdo waddamada safka hore ayaa waxaa garoonka ugu tegay Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo kan Gaashaandhigga, si ay usoo dhaweeyaan.

Sidoo kale madaxweyneyaasha Jabuuti iyo Kenya iyo sidoo kale ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya oo mid mid usoo gaaray Muqdisho ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda oo qayb ka ahaa soo dhoweynta loogu sameeyay garoonka.

Intaas kadib madaxdan ayaa waxaa qaabilay madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu ku marti qaaday magaalada Muqdisho oo ay uga qayb-galayaan shirweyne caalami ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale muujiyey sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan madaxda dalalka dariska ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya.

Dhanka kale hoggaamiyeyaasha saddexda waddan ee lagu soo dhaweeyay Xamar ayaa u mahadceliyay dowladda federaalka iyo shacabka, waxayna sidoo kale boggaadiyeen dadaalada ay wado dowladda dhexe ee ku aadan amniga iyo dagaalka Alshabaab.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, waxaana maanta la xiray dhaq-dhaqaaqa waddooyinka caasimada iyo sidoo kale garoonka, si looga hortago falalka amni darrada ah ee dhici kara inta uu socdo shirweynaha maanta ka furmaya gudaha magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale la filayaa in goordhow uu furmo shirkan oo looga arrinsanayo amniga gobolada dalka iyo dagaalka Alshabaab oo hadda maraya meel adag, kadib markii ay laba jibaartay dowladda federaalka ee Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa shirka ka qayb-galaya wasiirada gaashaandhigga iyo taliyeyaasha ciidamada ee waddamadan oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News