SO | EN

SO | EN

Xasan Sheekh: Saraakiil Itoobiyaan oo u gogol xaaraya heshiiska badda ayaa jooga Somaliland

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si caro leh kaga soo baxay shir madaxeedka Midowga Afrika ee ka socda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Xasan Sheekh ayaa ku eedeeyay dowladda Itoobiya in wafdigiisa oo ka qeybgalayay shirka laga hor istaagay inuu galo goobta shirka. Wuxuu ku tilmaamay inay taay carqalad.

Waxyar ka hor inta wafdiga madaxweynaha Soomaaliya kasoo duulin Addis Ababa, wuxuu shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Addis Ababa, wuxuuna sheegay in dowladda Itoobiya weli ay ku adkeysaneyso heshiiskii dhanka badda ee ay la gashay Somaliland.

“Su’aashu ma ahan inay Itoobiya bad hesho, ee su’aashu waa sidee ayey ku heleysaa? Anaga waxaan diyaar ula nahay inaan Itoobiya siino bad laakiin waa inay jidka sharciga soo marto,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in hadda saraakiil Itoobiyaan ah ay ku sugan yihiin deegaanada Somaliland kuwaasoo uu sheegay inay hordhac u yihiin qorshaha Itoobiya ee meelmarinta heshiiska is fahamka ee ay la gashay Somaliland.

Xasan Sheekh ayaa yiri “Haddii Itoobiya ay soo gasho Soomaaliya oo si sharci darro ah ku soo gasho, waxay ku dhammaan doontaa sidii hore ay ugu dhammaan jirtay.”

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News