Dowladda itoobiya oo jawaab yaab leh kabixisay rabshadii lagu sameeyay Xasan Sheekh

|

Addis Ababa (KAAB TV) – Dowladda Itoobiya oo ka warbixisay rabshad lagu sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa oo shalay magaalada Addis Ababa kaga qeyb galaayay shir madaxeedka Midowga Afrika ee magaalada Addis-Ababa.

Sidoo kale, war qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in dhamaan talaabooyinkaas ay jabiyeen hab-maamuuska diblumaasiyadeed iyo kan caalamiga ah, dhamaan dhaqamadaasi waxa ay waxa ay kubiirayaan liisaska sii kordhaya ee falalka qaabka daran ay sameynayso dowladda Itoobiya.

Dhanka kale, Xukuumada Itoobiya oo iyadana dhinaceeda sikale udhigtay ayaa tiri”dowladda Itoobiya waxa ay si diiran usoo dhaweysay madaxweynaha iyo Wafdigiisa iyadoona lasiiyay xushmad buuxda oo ay kasinaayeen dhamaan madaxdii kale ee ka qeyb galeysay shirka madaama aan nahay dalka martigalinaya shirka, iyadoona Itoobiya ay masuul katahay dhamaan madaxda ka qeybgaleyso shirka”.

“Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa waxa ay diideen in lasiiyo ciidanka ammniga dowladda Itoobiya, iyadoona intaasi ay dheertay in ciidanka ammaanka Soomaaliya ay isku dayeen in xarunta midowga Africa ee uu shirka kasocda in ay hub lagalaan, waxaana is hor istaag kusameeyay ciidanka ammaanka midowga Africa, dowladda Itoobiya waxa ay diyaar utahay in ay xiriir wanaagsan layeelato dariskeeda”.

Cali Balcad oo ah sii hayaha Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay madaxweyne Xasan Sheekh xujo uga dhigtay in madaxweynaha lagu daraayo ciidamo Itoobiyaan ah kuwaas oo geynaya howlka shirka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa iska diiday in ciidamo Itoobiyaan ah lagu daro ciidankiisana laga reebo, Cali Balcad ayaa waxaa kale oo uu sheegay in Itoobiya ay rabtay in madaxweynaha ay kabaajiso shirka.

Kulanka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan layeeshay guddoomiyaha midowga Africa Muse Faki Mohamed, isagoona usharaxay wixii kudhacay iyo caqabadihii lahor dhigay kahor shirka.

Ugudambeyn, madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa shalay galabti si nabad ah uga soo duulay magaalada Addis Ababa ee dalka itoobiya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News