Mahadaay (KAAB TV) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in ganacsato lagu laayay halkaasi.
Sidoo kale, Wararka ayaa waxa intaas kudarayaan in ganacsatada lagu laayay degmada Mahadaay ay ahaayeen saddex nin oo walaalo ahaa waxaana lagu dilay deegaanka diin-laawe degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Dhanka kale, dadka deegaanka oo aan lahadalnay ayaa inoo sheegay in dilka kahor deegaanka soo weerareen Al-Shabaab iyagoona weeraray saldhig ay kusugnaayeen ciidamada deegaanka ee Macwiisleyda.
Weerarka kadib ciidanka deegaanka ayaa waxaa ay toogasho kudileen saddex nin oo ganacsato ahaa kuwaas oo ay sheegeen in ay jaajuus u ahaayeen Al-Shabaab.
Deegaanka Diin-laawe ayaa haatan waxaa kataagan xaalad aan wanaagsaneen, iyadoona halkaas laga deeramayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan.
Ilaa haatan wax hadal ah kama soo bixin maamulka degmadda Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Ugudambeyn, Inta badan Shabeellaha dhexe waxaa kadhaca dilal qorsheysan iyo dagaalo udhexeeyo ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab.