SO | EN

SO | EN

Afduubkii iyo dilkii Abuukar Axmed: Xogo dheeraad ah oo soo baxay

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Habeenkii xalay ee Arbacada waxaa la afduubtay gancsade dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Abuukar Axmed oo dhowaan kasoo laabtay magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Sida ilo wareed qoyska ku dhow ay sheegeen, Abuukar wuxuu kasoo laabtay goob lagu ciyaaro kubadda cagta oo ku taalla xaafadda Sii Sii, waxaana isaga iyo wiil qoyskiisa ka tirsan oo wada saaran baabuur yar oo Toyota ah waddada u ku celiyay afar nin oo hubeysan.

Qof goobta ka dhawaa ayaa sheegay in afarta nin oo dareyska ciidanka booliska ku lebisnaa ay ku amreen Abuukar Axmed iyo wiilka la socday inay kasoo degaan baabuurka.

“Markii ay baabuurka joojiyeen, waxay ku amreen wiilka yar inuu iska tago, waxayna kexeysteen Abuukar oo indhaha iyo gacmaha ka xiran,” ayuu yiri goobjoogaha.

Wiilka la fasaxay ayaa xaqiijiyay dhacada isagoo sheegay in isla baabuurkooda lagu afduubtay Abuukar, goobtii ugu war dambeysay ay ahayd agagaarka Shineemo Cabdi Waayeel ee degmada Heliwaa.

Abuukar wuxuu ka shaweyn jiray sarrifka lacagaha qalaad ee dhanka online-ka, waxaana uu muddo degannaa Dubai. Sida qoyska sheegeen wuxuu dalka ku soo laabtay maalmo ka hor. Wuxuu sidoo kale Abuukar maalgaliyay garoomada kubbadda ee magaalada qaarkood.

DILKA ABUUKAR

Qoyska ayaa sheegaya in abaarihii fiidkii isla Arbacadii xalay laga soo wacay telefoonka Abuukar, lagana dalbaday lacago tiro badan taasoo shuruud looga dhigay siideyntiisa. Markaas ayaana ugu war dambeysay xiriirka qoyska.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Abuukar uu aqoonsaday ragga afduubka u geystay, oo la aaminsan yahay inay ka tirsan ciidanka Nabadsugidda, balse markii dambe ay dileen.

Saaka oo Khamiis ahayd ayaa meydka Abuukar laga soo heley deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Ehelka Abuukar ayaa Kaab TV u sheegay in meydka ay dhigeen isbitaalka Madiina, halkaasi oo baaritaan lagu sameynayo. Waxaana ku yaalla saddex rasaas ah oo madaxa looga dhuftay.

Qoyska ayaa dalbanaya caddaalad inay helaan, lana soo qabto kooxdii ka dambeysay falkaasi.

Dhacdadan waxay qeyb ka noqoneysaa dhacdooyin soo badanaya oo afduub iyo dil isugu jira oo loo geysanayo dadka ku nool Muqdisho. Waxaa toddobaadkii hore meydkiisa laga heley guri uu degganaa Cabdinaasir Muuse Dahable oo ahaa shaqaale waaxda duulista hawada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News