Muqdisho (KAAB )- Faahfaahino dheeraad ayaa laga helayaa nuxurka heshiiska ay wada gaareen Xasan Sheekh iyo maamulka Turkey ee Erdogan, kaasoo illaa hadda aysan arkin xildhibaannada Soomaaliya.
– Waxaa Turkey ay yeelaneysaa 30% xuquuqda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee xeebaha Soomaaliya. Muddo 10 sano ah waxba lagama beddeli karo heshiiska.
– Turkey waxay qaadaneysaa qandaraaska shidaal baarista oo aan lagula tartami karin, lacagta kasoo baxdana in ka badan 40% ayay qaadanayaan shirkadaha Turkey.
– Waxaa heshiiska ku jirta tababarka iyo qalabeynta ciidamada badda ee Soomaaliya, laakiin waxaa yaab leh in qandaraaska la siiyay shirkad Turkey oo dhowaan laga soo ceyriyay Nigeria ka dib markii lagu eedeeyay xadgudubyo iyo musuq.
– Shirkadaha Turkey ee qaadanaya qandaraasyada badankood waxaa iska leh qoyska madaxweyne Erdogan iyagoo si toos ah uga faa’iidi doona dhaqaalaha laga sameeyo Soomaaliya.
– Sidoo kale, hawlaha qandaraaska ciidamada waxaa dhanka Xasan Sheekh uga wakiil ahaan doona xubno qoyskiisa ah oo uu ugu horreeyo wiilkiisa dhowaan sida sharci darrada ah looga dhigay Colonel ciidan isagoon muteysan.
– Ma jiro qodob sheegaaya difaac bad ama berriga oo heshiiska ku jira. Ethiopia iyo Jabuuti waxay labadaba heshiisyo militari kula jiraan Turkey (qormo kale ayaan uga hadli doonnnaa).
– Dhanka Soomaaliya ma jirto wax sadaqo ah ama wanaag loo sameynayo. Haddii kooxda Xasan lacagta tababarka iyo qalabeynta kooban ee ciidamada iska bixin waayaan, Turkey waxay iibineysa waxkasta oo ay heli karto sida kheyraadka badda, shidaalka iwm. Haddii ay ku filnaan weyso waxay lacagta noqoneysaa deyn lagu leeyahay Soomaaliya.
𝐇𝐚𝐥𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐰𝐞𝐲𝐧 𝐞𝐞 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚𝐧 𝐮 𝐥𝐞𝐞𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝:
Turkey oo haddaba heysta maamulka garoonka iyo dekedda Muqdisho, wax horumar ah oo ay gaarsiiyeenna aan jirin, ayaa hadda heley qandaraas aan lagula tartamin oo ay hub kaga iibiyaan Soomaaliya, lacagna ka sameeyaan kheyraadka badda.
Maamul gobolleedyada dalka oo ay ahayd in lagala tashado heshiisyada saameynaya kheyraadka badda iyo kan dhulka qeyb kama ahan heshiiskan.
Qandaraaska tababarka ciidan cusub iyo hubka la keenayo wuxuu sida caadiga ah gacanta u gali karaa maleeshiyo beeleedyo gooni ah taasoo abuuri karta halis amni iyo iska horimaad qabaa’ilka.
Turkey waxay hore diyaarado drone uga iibiyeen Ethiopia oo u adeegsatay inay ku duqeyso shacab iyo iskuullo ku yaalla gobolka Tigray, waxaana suuragal ah xadgudubyo kuwaa la mid ah inay Soomaaliya ka geysato.
W.Q Abdalle Ahmed Mumin