DOXA (KAAB TV) – Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Qatar ayaa kulan xasaasi ah kuyeeshay magaalada Doxa ee Caasimada dalka Qatar.
Sidoo kale, kulan ay yeesheen Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo R/Wasaare kuxigeenka dalka Qatar ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga ee dalkaasi Qatar Dr. Khalid bin Mohamed al-Attiyah, ayaa waxaa looga wada hadlay iskaashiga labada dal iyo sidii looxoojin lahaa iskaashiga labada Wasaaradood.
Dhanka kale, kulanka ayaa waxaa laiskaga wareystay arrimaha difaaca iyo xaalada Soomaaliya ay haatan kujirto iyadoona uu wali soconayo gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Xiriirka Soomaaliya iyo Qatar kadhexeeyo oo ah mid saaxiibtinimo ayaa hadane waxaa dhowaan magaalada Doxa ee caasimada dalka Qatar lagu kala saxiixday heshiis is afgarad ah.
heshiiska ayaa waxa uu daba kuhaayaa dhanka sharciga, sidoo kalana waxa uu tusaale cad kabixinaya danaha labada dal, is-weydaarsiga macluumaadka iyo khibradaha qaabka diyaarinta, qorista iyo daraaseynta qabyo-qoraallada heshiisyada iyo heshiisyada is-afgaradka.
Ugudambey, dowladda Qatar oo kamid ah dalalka Carbeed ee sida dhow utaageero Soomaaliya, sidoo kale gudaha Soomaaliya ayaa waxa ay kafulisaa mashaariicyo kala duwan.