SO | EN

SO | EN

Madaxweynaha Ukraine iyo RW Giriigga oo ka badbaaday dil

|

LONDON (KAAB TV) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky iyo Ra’iisul Wasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis ayaa maanta si dirqi ah uga badbaaday weerar gantaal ah oo lagu hoobtay oo ka dhacay magaalada Odesa, iyagoo si halis ah ugu dhawaaday inay reer Galbeedka ku dhawaaqaan dagaal toos ah oo ay la galaan Ruushka.

Gantaal ka yimid Moscow ayaa la sheegay in uu ku qarxay meel 500ft (150m) oo kaliya u jirta dhismaha ay ergada diblumaasiyadeed ee Giriiga ku sugayeen hogaamiyaha Ukraine ka hor kulan la qorsheeyay sida laga soo xigtay warbaahinta Greek Protothema.

“Waxaan maqalnay dhawaqa seeriga iyo qaraxyo ka dhacay agagaarkeenna. Ma aanan haysan waqti aan ku gaarno meel gabbaad ah,’ Ra’isul Wasaaraha Giriigga Mitsotakis ayaa yiri weerarka ka dib.

Ciidamada badda ee Ukraine ayaa sheegay in shan qof ay ku dhinteen weerarka gantaallada.

Ma jirin cid ka tirsan labada wafdi oo wax ku noqday.

Ruushku waxa uu sheegay in uu bartilmaameedsaday diyaarad Drone ah oo dhinaca badda mareysay.

Madaxweyne Zelensky ayaa ku eedeeyay Ruushka “in aysan dan ka lahayn cidda ay beegsanayaan”, isagoo sheegay in Moscow ay “ama waalan tahay ama aysan xakameyn karin waxa ay sameynayaan ciidankooda argagixisada ah”.

Midowga Yurub ayaa si kulul u cambaareyay weerarka.

Warbaahinta reer Galbeedka ayaa si adag uga hadashay dhacdadan oo u muuqatay isku day dil oo ka dhan ahaa hoggaamiyaha Ukraine oo dalkiisu dagaal labo sano jirsaday kula jira Ruushka.

Haddii weerarka uu sababi lahaa dilka madaxda Ukraine iyo Giriigga, ayaa warbaahinta qaarkeed ay sheegtay inuu adduunka qarka u fuuli lahaa dagaalka saddexaad ee adduunka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News