MUQDISHO (KAAB TV) – Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Faraamjo oo maalmahanba kusugan gudaha Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa shalay booqasho kutagay Safaarada Mareykanka ay kuleedahay gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, Farmaajo ayaa saafarada kulan kula qaatay siihayaha safiirka Safaarada Mareykanka, isagoona kala hadlay xaalada siyaasadeed ee uu dalka haatan kujiro.
Dhanka kale, Siihayaha safiirka Mareykanka iyo Faraamjo ayaa waxa si hoose uga hadleen dooda kadhex taagan wax kabadalka Dastuurka dalka oo uu muran badan hareeyay, iyadoona uu Farmaajo kujiro kooxda mucaaradka ah ee sida weyn udiidan wax kabadalka Dastuurka dalka.
Ilo xog ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in farmaajo uu siihayaha safiirka Mareykanka uu uga dacwooday dowladda madaxweyne Xasan Sheekh oo uu Farmaajo ku eedeeyay in ay dhagaha kafureysatay baaqyada siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku aadan wax kabadalka Dastuurka dalka .
Farmaajo ayaana tallaabadan uu hadda qaaday aad ugu dhaliili jiray madaxdii isaga ka horreysay , waxaana hadda muuqata in uu qaadayo waddo ugula muuqatay in ay xun tahay isaga.
Ugudambeyn, Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaana caado ka dhigta in ay la kulmaan diblumaasiyiinta reer Galbeedka marka ay xilalka banneeyaan, waxaana taasi dhibsada madaxda xilligaasi kuraasta fadhisa oo ku dhaliila siyaasiyiintaasi kuwa aan waddani aheyn.