Dhuusamareeb (KAAB) – Magaalada Dhuusamareeb xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug waxaa ka billaabawday Kiis Dil ah oo loo haysto Askar katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka oo rasaas ay fureen ku dhintay Taliyahooda sida laga hor sheegay Maxkamadda.
Baareyaal kala duwan oo dabagalay Kiiskaan ayaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida kahor sheegay in askartaan markii hore ay isaga baxeen furimaha dagaalka gaar ahaan deegaanka Bacaadwayne kaddibna uu xigay Dilka Taliyaha.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dhankiisa codsaday in Askarta kuwa sida gaarka ah ugu eedaysan Dilka Taliye Labo Xiddigle Mustaf Nuur Suudi lagu xukumo Dil toogasho ah halka kuwa kale xabsi la dhigo maadaama goobtii lagu ogaa ay isaga baxeen bilaa fasax.
Qareennada difaacaya Askarta Maxkamadda lasoo taagay ayaa sheegay in aanay jirin qodob culus oo qabanaya mar haddii wax ka yar 24 saac ay ka maqnaayeen furinta ama goobtii ay ku qornaayeen sidaas awgeed waxa ay dalbadeen in aanay loo adeegsadan qodobka 131aad ee xeerka Ciqaabta Ciidamada Qalabka sida.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qaybta Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in go’aanka dib laga soosaari doonno maxkamaddana ay dhagaysatay marqaatiyaal, eedda xafiiska Xeer Ilaalinta & difaaca Qareennada.