MUQDISHO (KAAB TV) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa digniin culus u jeediyay Xasan Sheekh Maxamuud.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in Dastuur bedelidda uu wado Xasan Sheekh aysan meel gaari doonin xitaa haddii Barlamaanka Federaalka uu kaligiis ansixiyo.
Madaxweyne Shariif ayaa dhanka kale ka digay adeegsiga kooxaha baraha bulshada dadka ka caaya oo dowladda Xasan Sheekh ay si aad ah u adeegsato beryahan dambe.
Sheekh Shariif ayaa ku eedeeyay Xasan Sheekh adeegsiga qabyaaladda taasoo dowladda hadda jirta ay aad u sii kicisay.