MOSCOW (KAAB TV) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar koox dabley hubeysan ah ey kuqaadeen masrax lagu qabanaayay bandhig faneed kaas oo kuyaala duleedka magaalada Moscow ee caasimada dalka Ruushka, iyagoo goobta kudilay 40 qof halka ay kudhaawacmeen 100 kale oo shacab ah.
Sidoo kale, kooxdan weerarka geystay ayaa lagu soo waramayaa in ay soo xirteen dharka ciidanka Milateriga dalka Ruushka waxa ayna gudaha usoo galeen dhimaha masraxa iyagoona halkaas rasaas kufuray, waxa sidoo kale adeegsanaayeen bam-gacmeedyo sid uu sheegay Wariye katirsan RIA Novosti oo goobta kusugnaa.
Dhanka kale, rasaasta ayaa ku baahday hoolka xafladaha ee Crocus City ee xaafadda Krasnogorsk ee duleedka woqooyiga magaalada Moscow, kaasi oo qaada kumanaan qof islamarkaana marti-geliya heesaha fanaaniinta caalamiga ah.
Hay’adda ammniga ee dalka Ruushka FSB ayaa shaaca kaqaaday in weerarkan ay kuwax yeeloobeen 40 qof oo dhimasho halka 100 kalana ay dhaawacyihiin sida ay xaqiijisay hay’adda FSB sida ay kasoo xigteen Wakaaladda wararka ee Interfax iyo warbaahinta kale ee dalka Ruushka.
Masuuliyada weerarkan waxaa sheegatay kooxda Daacish,“ Daacish ayaa weeraray isku imaatin ballaaran oo ka socday duleedka caasimadda Ruushka ee Moscow, dagaal-yahanada ay si nabad ah ugu laabteen saldhigyadooda” ayey kooxda ku tiri bayaan ay soo dhigtay barta Telegram.
Dhanka kale bayaan kasoo baxay dowladda Ruushka ayaa lagu sheegay in ay baadi goob ugu jiraan dambiilayaashi geystay weerarkaas waxa ayna intaasi kudareen in wixii kasoo kordho ay mid mid ula socod siin doonaan madaxweyne Putin.

