MUQDISHO (KAAB TV ) – Waxaa gabi ahaanba maanta baaqday kulankii baarlamaanka labadiisa gole ay kulahaayeen xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.
Baaqashada kulankan ayaa waxaa loo saba-beynayaa xal uhelista dooda wax kabadalka Dastuurka ay goor hore ka keeneen siyaasiyiin, Xildhibaano & madaxdii hore ee dalka.
Kulanka ayaa waxaa loo madalsanaa in Xildhibaannada ay cod gacan taag ah uqaadaan afarta cutub ee ugu horeyso Dastuurka ee wax kabadalka lagu sameeyay.
Wararku waxa ay intaas kudarayaan in maalinta Sabtida ah laga dhigay in cod gacantaag ah loo qaado afarta cutub ee waxa kabadalka lagu sameeyay ee Dastuurka, iyadoona maalinta beri ah lasoo warinaayo in Xildhibaannada labada gole ay kulan kuleeyihiin Villa Hargeysa kuwaas oo lafilayo in laga hor aqriyo afarta cutub ee wax kabadalka lagu sameeyay iyadoona gacanta laga saari doono afarta cutub ee wax kabadalka lagu sameeyay si ay usoo aqristaan maalinta Sabtidana cod gacan taag ah looqaado.
Muddo 40 beri ah ayey soo socotay doodan wax kabadalka loogu sameynaayo afartan cutub ee ugu horeyso iyadoo ay dood adag ka keeneen Xildhibaano badan halka Xildhibaano kalana ay taageereen arrimahan wax looga bedalayo Dastuurka.
Sidoo kale, waxaa jiray kulamo ay yeesheen mucaaradka oo ay kasoo saareen war-murtiiyedyo dowladda loogu baaqayo in ay baaqsato howshan lagu sameynaayo Dastuurka Cusub.