MUQDISHO (KAAB TV) – Saacadaha soo socdo waxaa lafilayaa in Xidhibaannada labada aqal ay meel mariyaan wax kabadalka qadobo kamid ah Dastuuka KMG ah.
Xasan Sheekh iyo Xukuumadiisa ayaa haatan xoog iyo xeylad isugu geeynayaa sidii Xildhibaannada labada gole u meel marin lahaayeen qodobo kamid ah Dastuurka, halka ay arrintan si weyn uga soo horjeedaan siyaasiyiinta mucaaradka.
Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kamid ah siyaasiyiinta sida weyn udiidan wax kabadalka Dastuurka ayaa Xildhibaannada taageersan qorsha wax looga bedelaayo uga digay in ay qaataan go’aan halis galin kara dalka.
Sidoo kale, waxaa jiray Xildhibaano badan oo horay u taageersanaa Farmaajo ayaa haatan waxa ay olole ugu jiraan wax kabadalka Dastuurka KMG ah.
Xildhibaannada daacada u ahaa Farmaajo waxaa kamid ahaa Taliyihii KMG ahaa ee Nisa Yaasiin Farey ayaa hadda umuuqda mid ka furtay oo tolnimo qaaday, waxa uuna taageeray wax ka bedelka dastuurka waliba uu u ololeenayo haatan.
”Beri waa maalin weyn waxaan dhammaan shaki nooga jirin in Dastuurka oo la qabyo tiro lana dhameystiro ay kamid tahay shaqada shacabka aan wakiilka uga nahay naga sugayaan, Shaqooyinka na horyaala kuma xirna Jeceyl ama Naceyb, Eed iyo amaan, Waxaa wax looga bedelay hordhaca Wax ka bedelka Dastuurka afarta Cutub Doodaha Iyo Aragtiyada xubnaha baarlamaanka kaliya. Kuma jiri karto nin jecleysi, koox jecleysi iyo xaalad abuur, xafiiltan siyaaseed ma geli karto” ayuu yiri Yaasiin Farey.
Dhanka kale, Xildhibaan Dayax Cumar oo kamid ah dadkii daacada u ahaa Farmaajo iyo Fahad Yaasin ayaa sidoo kale, kamid ah Xildhibaannada sida weyn utaageeray ololaha Villa Somalia ee wax looga bedelaayo Dastuurka.
Xasan Sheekh oo siyaabo kala duwan ula kulmay xildhibaanadii taageersanaa siyaasiyiinta mucaaradka ayaa kala fur furay, waxa uuna madaxweynaha xildhibaanada u sameeyay ballan-qaadyo kala duwan ay ku jiraan xilal iyo lacago.