MUQDISHO (KAAB TV) – Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal ayaa shalay si aqlabiyad leh ku ansixiyay wax kabadalka Dastuurka KMG ah afartiisa cutube ee ugu horeyso.
Qodobada wax kabadalka lagu sameeyay waxaa kamid ah muddada xilheynta madaxweynaha oo laga dhigay 5 sano, halka markii ay aheyd 4 sano, madaxweynaha ayaana waxa uu ku imaanayaa doorasho qof iyo cod ah sida lasaadlinaayo.
Sidoo kale, qodobbada wax laga badalay shalay waxaa kamid arrinta ku saabsan guddiga doorashooyinka oo markii ahaan jiray mid madax banaan, balse hada laga dhigay mid uu madaxweynuhu magacyada xubnaha uu qoraal kusoo saaro markii ay golaha Wasiirada soo jeedin uga timaado.
Dhanka kale, qodobbada kale ee wax laga bedelay waxaa kamid ah arrimaha ay siyaasiyiinta aadka uga qayliyeen ee u badan awoodaha madaxweynaha sida magacaabidda Ra’iisul wasaaraha iyo doorashooyinka dalka oo guddiga uu madaxweynaha soo magacaabayo ay qabanayaan.
Waxaa iyadana wax laga badalay magacii hore ee loogu yeeri jiray madaxda maamul goboleedyada oo haatan laga dhigay hoggaamiyeyaal.
Waxaa iyadana aan wali wax laga badelin oo dib da’da qaangaarnimada oo markii hore ahaan jirtay 18 sano balse larajeynaayo in haatan laga dhigo 15 sano.
Waxaa kaloo dib loo dhigay oo ku jiray nuqulkii loo qaybiyey xildhibaannada Khamiistii xaqa nolosha iyo xorriyadda diinta.
Sababaha dib loogu dhigay qodobbada kale ayaa waxaa lagu sheegay in lagala tashan doono hadba cidii markaas kuhaboon, sida lagu sheegay qoraal uu guddoonka baarlamaanka ugudbiya guddoonka guddiga dib u eegista Dastuurka Xuseen Qaasim Yuusuf (Xuseen Iidoow).
Arrimahan ayaa waxaa horey uga soo horjeestay siyaasiyiin ay ka mid yihiin madaxweyneyaashii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaareyaal hore iyo siyaasiyiin kale.
Bishii August ee sanadkii hore xildhibaannada labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa dood aan loo kala kicin labo maalmood oo xiriir ah ka yeeshay habraaca loo marayo wax ka badalka qodobada qaar ee ku jira Dastuurka kumeel-gaarka ah, waxaana argatidooda dhiibtay xildhibaano kor u dhaafay 50, waxayna muujiyeen aragtiyo iska soo horjeeda oo qaar baa doonayay in sidooda lagu qaato qodobada wax ka badalka dastuurka ee ka yimid Golaha Wadatashiga Qaranka, halka kuwa kale ay gabi ahaanba diideen in qodobadaas hadda la taabto, inkastoo aakhiritaankii maanta si aqlabiyad leh loo ansixiyey.