SO | EN

SO | EN

MUDAAHARAAD: Xoogsato ka carootay guri ay dhisayeen oo lacag laga dalbaday

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Xoogsato ka shaqeysanayay dhismo ka socday magaalada Muqdisho ayaa saaka banaanbax cabasho ah ka dhigay bartamaha isgoyska Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho kadib markii ay shaqada ka joojiyeen dabley sheegtay inay yihiin ciidamo boolis ah oo lacag ka doonayey dhismaha.

Kaab TV ayaa la hadlay xoogsatada careysan, kuwaas oo sheegay in dhaqaale yar ay ka helaan shaqadooda, taasoo ay ku masruufaan qoysaskooda.

Si kastaba ha ahaatee, maanta ma aysan shaqeynin, sababo la xiriira hanjabaado ay kala kulmeen dableyda hubeysan.

Qaar ka mid ah xoogsatada ayaa Kaab TV u sheegay inay qabaan dhaawacyo ay u geysteen ragga hubeysan ee ka joojiyay shaqada.

Magaalada Muqdisho waxaa caadi ka ah in guryaha ay dhistaan ay joojiyaan kooxo hubeysan oo ka soo kala jeeda kooxo kala duwan, mararka qaarna dhowr jeer oo qaarkood ay ka qaataan lacago.

Halka booliiska Soomaaliya, maamullada degmooyinka iyo maleeshiyo beeleedyada ay inta badan dalbadaan lacago, mararka qaar xitaa Al-Shabaab ayaa joojiya dhismaha guryaha cusub marka dadkii lahaa ay bixin waayaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News