Dhoollatus ciidan oo ballaaran oo ka furmay Somaliland

|

Taliska Guud ee Ciidanka Militariga Somaliland ayaa Arbacaddii daah-furay carbis ciidan oo ballaadhan oo loogu magac daray HEEGAN 2026, isla markaana la sheegay in lagu xoojinayo awoodda dagaal iyo diyaargarowga hawlgal ee ciidanka.

Carbiskan ayaa waxa furay Taliyaha Ciidanka Milateriga Somaliland, Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, waxaana si wadajir ah uga qayb qaadanaya cutubyo kala duwan oo ka tirsan Ciidanka Militariga.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Taliska Guud ee Ciidanka, carbiska ayaa socon doona toddobaadyada soo socda, waxaana lagu samayn doonaa tababbarro ciidan iyo tijaabinta hubka, oo ay ku jiraan madaafiicda, taangiyada, gaadiidka gaashaaman iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. 

Taliska ayaa sheegay in ujeeddada carbisku tahay kor u qaadista diyaargarowga ciidamada, tayaynta tababarka, isku-duwidda cutubyada kala duwan iyo qiimaynta awoodda ay u leeyihiin fulinta hawlgallada wadajirka ah.

Waxa kale oo uu xusay in HEEGAN 2026 loo asteeyay barnaamij tababbar oo sannadle ah, kaas oo si joogto ah loo qaban doono si loo horumariyo xirfadaha ciidamada loona waafajiyo farsamooyinka iyo xeeladaha dagaalka casriga ah.

Dhanka kale, Taliska Guud ee Ciidanka Militariga ayaa digniin u diray bulshada ku dhaqan Benderwanaag iyo deegaannada ku xeeran oo uu carbisku ka socdo, isaga oo sheegay in muddada uu carbisku socdo la maqli doono dhawaaqa rasaasta iyo madaafiicda, isla markaana ay jiri doonaan dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Taliska ayaa dadka deegaanka, gaar ahaan xoolo-dhaqatada iyo dadka reer miyiga ah, ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha loo asteeyay tababarrada iyo dab-ridka, isla markaana aanay dadka iyo xooluhu gelin aagagga carbiska. Waxa uu sidoo kale sheegay in la samayn doono calaamado digniin ah iyo tallaabooyin amni oo lagu ilaalinayo badbaadada dadka rayidka ah, xoolaha iyo hantidooda inta uu tababarku socdo.

DHEERAAD:  Agaasimaha Hay’adda NISA iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo Magaalada Mogokori kula kulmay Odayaal

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News