GAROOWE (KAAB TV) – Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Cabdiraxmaan Abshir Faarax ayaa sheegay in Puntland iyo Dowladda Federaalka ay marhore kala tageen, sidaa darteedna aan la aqbali karin in wax kulamo taageero ah loogu sameeyo Garoowe Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Cali Yuusuf (Cali Xoosh).
“Xasan Sheekh iyo kooxdiisa, intaa heysataan ee AMISOM-tu idinku waardiyeyso ha idinku filnaato. AMISOM-tiina la jooga, anaga hanagu soo faafinina,,” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.