SO | EN

SO | EN

MUUQAAL: Xaaladda amni ee Beledweyne oo sii xumaatay

|

Beledweyne (KAAB TV) – Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa waxay walaac xoogan ka muujinayaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka, iyadoo ay sii kordhayaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka magaalada Beledweyne.

Dadka Beledweyne ayaa dhac baahsan loo geysanayaa waxayna xuseen in qaar badan oo ka mid ah dadka falkan geystay oo ku hubeysnaa qoryaha AK47 ay ku labisan yihiin dareeska ciidamada dowladda, taasi oo cabsi ku beertay bulshada.

Dadka magaalada ayaa sidoo kale sheegay in ay inta badan beegsadaan taleefannada gacanta.

Dhacdo naxdin leh ayaa dhacday xalay kadib markii kooxo burcad ah ay isku dhaceen ciidamada deegaanka ee ku sugan xaafadda Buundaweyn .

Dhacdo kale oo ka dhacday bartamaha magaalada, ayaa ciidamo hubeysan oo ku labisan dharka ciidamada ay weerareen suuqa.

“Waxay soo weerareen carwada, rasaas iyo dhac ayay bilaabeen, waxayna dadka ku abuureen qalalaase iyo cabsi,” ayuu yiri qof ka mid ganacsatada.

Dadka ayaa rajo xumo ka muujiyay sida wax looga qaban waayay dambiyada isa soo taraya.

“Xaaladdu way ka sii daraysaa, iyadoo aanay jirin cid madax ah oo gacanta ku haysa, taasoo keentay in la dareemo cabsi xoogan,” ayuu yiri ganacsadahan.

Beledweyne waxey mareysaa xaalka amniga meeshii ugu hooseysay, in muddo ah waxaa dhac , dil iyo dhibaato lagu haayay dadka magaalada dagan iyada oo aan loo aaba yeelin.

Dhalinyaro laga waayay taleefano ayaa laga siibtay Shaatiyaal, Macawisyo iyo Kabahii aay wateen taas oo sii xumysay xaalada magaalada Beledweyne.

Dhacdooyin kale

Garoonka magaalada Beledweyne ayaa maalmo u xanibnaa ka dib kooxo is khilaafsan oo hubeysan ay hor istaageen duulimaadyada imaanayey garoonka.

Wadada xariirsa Beledweyne ilaa Matabaan ayaa sidoo kale la sheegayaa in isbaaroyinka ay taako taako u yaallaan.

Dadka reer Beledweyne ayaa sheegaya in magaalada Beledweyne ay u jirto magac ahaan laakiin dib dhacday dhinacyo badan. Dadka rayidka ayaa ku celcelinaya in dulmiga iyo dhibaatada dhaceysa aaysan jirin cid ka damqaneysa haddii aay yihiin maamul, cuqaal, dhalinyaro iyo ganacsato.

Dareenka ka jira magaalada Beledweyne waxaa sii xumeynaya loolanka awoodeed ee u dhaxeeya dhinacyo kala duwan oo iska soo jeeda kalana wata Hiiraan State iyo Hirshabeelle, taasoo sii xumeyneysa xasiloonida gobolka iyo adkeynta dadaallada lagu dhisayo amniga.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News