Tel Viv (KAAB TV) – Weerarkii Iran xalay kuqaaday Isra’iil iyo gantaaladii lagu garaacay ayaa bartilmaameedkii loogu tala galay kudhacay sida ay muujinayaan sawiro laga helay gudaha Isra’iil.
Sidoo kale, milateriga Isra’iil ayaa sheegay in Iran kusoo weerartay in kabadan 100 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha laheyn ah oo xambaarsanaa Bambooyin iyo gantaalo kala duwan, balse diyaaradaha weerarka geystay ayaa lagu qiyaasay in ay gaarayeen ilaa 500 oo diyaaradood oo nooca Drone-ka looyaqaano.
Dhanka kale, Iran ayaa horey usheegtay in ay weerar aargudasho ah kuqaadi doono Isra’iil, kadib markii 1-dii bishan April weerar kadhacay Dimishiq oo ay qunsuliyad kuleheed Iran looga dilay 12 qof oo ay kujiraan labo sarkaal oo katirsanaa ciidanka Isra’iil.
Diblumaasiyiinta ufadhiya Iran golaha Qaramada Midoobay ayaa bartooda X kusheegay, iyaga oo adeegsanay qodobka 51aad ee axdiga Qaramada Midoobay in ay Iran qaadday talaabo jawaab u ah, weerarkii garadaradaa ahaa ee Isra’iil kageystay dhismayaashooda diblumaasiyadeed ee Iran kuleedahay Dimishiq.
“Israa’iil ma ka baaqsan doontaa inay khalad kale samayso, jawaabta Iraan waxay noqon doontaa mid aad uga daran tan hadda, balse xiisaddu haatan waxa ay u dhexeysa Iran iyo maamulka Israa’iil, oo ay tahay in Maraykanku uu ka fogaado.”
Madaxweyne Biden ayaa waxa uu soo gaabiyey safar uu kujoogay gobolka uu ka soo jeedo ee Delaware, isagoona dib ugu laabtay aqalka cad ee Mareykanka waxa uuna kulan deg deg uu laqaatay saraakiisha ammniga.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in la xakameeyo colaadda ka taagan bariga dhexe. Wuxuu cambaareeyey xaaladda ka sii daraysa ee bariga dhexe gaar ahaan weerarka ugu dambeeyey
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in Maraykanku ku caawiyay Israa’iil in ay soo riddo inta badan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ee Iiraan kusoo ridday.