SO | EN

SO | EN

Wadaad caan ah oo goob fagaare kasheegay in ay khalad tahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab

|

Muqdisho (KAAB TV) – Wadaad imaam ka ah Masjid kuyaala degmda Hiliwaa ayaa muuqaal uu iska soo duubay ayaa waxa uu tageero uu ugu muujiyay kooxda Al-Shabaab, isagoona fariin udiray madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladiisa.

Sidoo kale, Wadaadkan ayaa waxaa lagu magacaaba Cabdiraxmaan Axmed Rooble ayaa waxa uu sheegay in qalad tahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab isla markaana loo baahanyahay in dowladda madaxweyne Xasan Sheekh in ay kabaaqsato dagaalkaas lagula jiro Al-Shabaab.

Wadaadkan ayaa waxa intaas kudaray in ay qalad tahay in labaneysto dhiiga Al-Shabaab, dagaalka lagula jirana ay qalad weyn kutahay dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, wadaad Cabdiraxmaan Axmed Rooble oo aan si kaleex leexasho aheyn utaageeray Al-Shabaab ayaa waxa uu weerar afka ah kuqaaday culimada Soomaaliyeed ee fatwootay waxa uuna sheegay in dagaalka Shabaab uu xaq yahay waxa uuna culimada kutilmaamay kuwo ushaqeeyo gaalada.

Wadaadkan ayaa waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh uu ku edeeyay in uu gaalada uu kasoo qaatay hub iyo diyaarado dagaal isla markaana ay banaaneyn in ladaadiyo dhiiga Al-Shabaab.

Wadaadkan ayaa ka gaabsaday in uu kahadlo weerarrada iyo qaraxyada ay kageystaan guud ahaan dalka, badalkeeda isagoo dhaliil ujeediyay dowladda iyo ciidamadeeda ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Wali wax hadal ah kama soo bixin dhinaca dowladda oo ku aadan soo qabashada wadaad Cabdiraxmaan Axmed Rooble oo toos taageero ugu muujiyay Al-Shabaab, waliba isagoo sheegay in ay qalad tahay in dhiiga Al-Shabaab ladaadiyo.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News